Murugada Xad Dhaafka Ah Oo Laga Ogaaday Inay Daciifiso Hab-dhiska Difaaca Jirka

murugada xad dhaafka ahCilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka, ayaa daaha ka fayday inay isku buuqa amma murugada xad-dhaafka ah sababaan in hab-dhiska difaaca ee qofku daciifo, isla markaana la kulmo bukaannimo joogto ah.

Daraasaddu waxay sheegtay in qofka caadaysta murugada badan uu jidhkiisu noqdo mid aannu xannuunadu ka bixin oo ay dishoodaan cudurro kala duwan, maadaama unugyada difaacu diciifaanan.

Waxa kaloo khubaradu ku caddeeyeen baadhitaan ay ku sameeyeen dadka daraasadooda ka qaybqaatay oo xaalado murugo ku jiray in xaddiga boratiinka la yidhaa C oo unugyada ka difaaca xannuunnada uu hoos-u-dhac weyn ku yimaad.

Cilmi-baadhistan oo ah tii ugu horraysay ee habkan jidhka bina’adaamka u eegta dadka uga digtay in waqtiyo badan inay murugo ku qataan.

Prof. Peggy Zoccola oo ah khabiirka daraasaddan qoray, cilmi-nafsigana ka dhiga Jaamacadda Ohio, ayaa isagoo arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi; “Dadka cilmi-baadhiska ka qaybgalay waxa la waydiiyey inay soo tabiyaan xaaladda ay ku sugan yihiin cilmi-nafsi ahaan inay tahay mid murugo ku dheehan tahay, kadibna waxaannu ogaanay in dadka isku buuqu haysto ay dhibaato ka haysata xagga hab-dhiska difaaca jidhka.”

Cilmi-baadhista waxa ka qaybqaatay 34 haween ah oo la weydiiyey mid kasta in ay ka warranto xaaladeeda, shaqaday qabato iyo haddii murugo la soo daristo waqti kasta, kadibna waxa laga qadaayey dhiig si loo eego xaddigooda maadada la yidhaa C ee ka shaqaysiisa booratiinada jidhka, waxana halkaas ka soo baxday marba marka ka sii dambaysa ee qofku sii cadhoodu in uu hab-dhiska difaaca jidhku sii diciifo.

Sidoo kale, Drs. Zoccola waxay sheegtay in xaaladda qofka oo degenaata qayb laxaad leh ka qaatado inuu jidhku iska difaaco cudurrada halista ah ee wadne-xannuunka, dhiig-karka iyo kansarku ugu horreeyaan, iyadoo tilmaantay in daraasaddan lagu tijaabin doono dad kala duwan oo dunida daafaheeda ku kala nool si maxsuul fiican uga soo baxo.
Drs. Zoccola waxay cilmi-baadhistan ku soo bandhigtay kulan bulshada cilmi-nafsiga ku takhasustay ku yeeshaan sannad kasta magaalada Miami ee dalka Maraykanka.

Ibraahim Khadar siciid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *