Murti Muhiim ah

Marnaba ha yareysan naftaada, haddii weynaan iyo xoog wax taraan Maroodiga ayaa ahaan lahaa Boqorka Xayawaanka! Laakiin waxaa ah Libaax oo cudud iyo cabirba ka yar

Guusha dadka kale ma aha Adiga Guuldaradaada ama Fashilkaaga, marnaba ha ka xumaan qof kale Guul uu gaaray. Is diyaarin, dadaal badan, doonid joogta ah, Dulqaad & Duco ayaa inta badan ah sababaha Guusha

Had & jeer ku duceyso in aad hesho Indho ka arka Dadka waxa ugu wanaagsan, Qalbi cafiya waxa ugu xun ee lagu sameeyo, Maskax hilmaanta wax kastoo xun, iyo Ruux aan marnaba lumin Rumeynta & Iimaanka Rabigeed

Noloshu waa sida Facebook oo kale. Dadku waxay siinayaan dhibaatadaada Like iyo Comment, laakiin qofna ma kuu xallinayo sababtoo ah qof kasta wuxuu ku mashquulsan yahay inay update-gareeyaan tooda

Marnaba ha u oggolaan in qof ku liido ama ku dareensiiyo in aadan qiime lahayn. Alle wuxuu kuu abuuray ujeedo cad, Alle ayaana ku Karaameeyay

Ha ka cabsan cadowga kuu soo bareera oo ku soo weeraray, laakiin iska ilaali saaxiibka beenta ah ee Hab ku siiya

Ka taxadar Aaminaada, aad bay u jilicsan tahay una jabi ogtahay. Goortii ay jabto, waxaa ka dhalan kara baaba’a. Way adag tahay in dib loo kasbado. Xaqiiqdii marnaba ma ahaaneyso sideedi hore

Alle SWT ha kaaga jawaabo ducadaada gaarka kuu ah, ha masaxo ilinta ah kaa timaata adigoo keligaa ah, ha baabi’iyo waxa aad ka cabsato ee sirta kuu ah, hana ku gaarsiiyo halka aad rabto in aad gaarto ee gudahaaga ka guuxaya

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *