Sababaha Keeno Muranka iyo Khilaafka Badan Ee Lamaanaha & Xalka…

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar u haystaan in lamaanaha isqaba ee aan is jeclayn aanay mushkilad iyo muran soo dhex gelin, laakiin runtu waxa ay tahay in jacaylku uu yahay dareen iyo kalgacal gaar ah, oo haddana dareenkaasi inta badan muran iyo isfahmi waa keeno, murankaas iyo khilaafkaasna aanu macnihiisu ahayn in kalgacalkii iyo jacaylkii labada ruux dhex yaallay uu burburay ama imika ku burburayo. Hadaba waxaan  qormadan akhristayaasha ugu soo gudbinaynaa lix sababood oo inta badan keena muranka dhex mara gabadha iyo saygeeda.

1. Filasho aan maangal ahayn:

Waa arrin in badan dhacda, oo weliba ay dumarku aad ula kulmaan marka ay dhammaato bisha koowaad ee aroosku. Caadi ahaanba sida ay khubarada cilmiga bulshadu sheegaan qiirada jacayl ee qofka haysa iyo kalgacalka laabtiisa dhaamiyey ayaa marar badan ka awood badiya maskaxdu in ay si caadi ah arrimaha uga fikirto, markaas ayaa ay dhacdaa in gabadhu ay sawirato in sayga ay dooratay aanay marnaba kaga iman doonin arrin aanay filayn. Kadib marka ay dhacdo in arrin aanay filaynin uu kaga yimaaddo ayaa la arkaa gabadhii oo shoog ku dhacay aadna uga xumaatay, taasina abuurto muran iyo kala niyad jab.

Haddaba waxaa fiican in ninka iyo gabadhuba ay ku xisaabtamaan in jacaylka mideeyey uu shay yahay, kala duwanaanta maskaxeed iyo shakhsiyadeed ee labada qofna uu shay kale yahay, sidaa awgeed ay suurtogal tahay in lammaanahaaga aad kala kulanto waxyaabo badan oo aanad filayn, sida muran iyo khilaafka soo dhex gala, laakiin ay taasi u baahan tahay in si deggen ay u xalliyaan oo midkood xalka ku horreeyo haddii ay ka fursan weydo, isaga oo aan marnaba meesha soo dhigayn in arrintaasi waxyeesho xidhiidhkii kalgacal ee ay qoyska ku wada dhisteen.

2. Shaki labada qof midkood ka gala heerka jacaylka uu kan kale u qabo:

Jacaylku waa dareen xoog badan, laakiin marar badan haddana qarsoon, sidaa awgeed waxaa dhacda in labada qof midkood isweydiiyo bal in shucuurtaasi dhab ka tahay ama ugu yaraan gaadhsiisan tahay inta ay isaga u joogto. Isweydiintaasi aakhirka waxa ay keentaa shaki qofkan ka gala qalbiga qofkan kale waana mid ka mid ah waxyaabaha qarsoon ee sii xoojinaya muranka iyo gubashada qofka.

Maadaama oo runtu tahay in qofna aanu qiyaasi karin jacaylka dhabta ah ee qalbiga qofka kale u qabo, waxaa la gudboon in uu rumaysto inta uu afkiisa iyo ficilkiisa ka arkayo oo aanu isku kallifin in uu sii qodo qalbigiisa, sidoo kale waxaa iyaduna muhiim ah in uu xoogga saaro muujinta jacaylka runta ah ee uu isagu aaminsan yahay in uu qofkan u qabo, oo aanu iskuba mashquulin in uu dhinaca kalana ogaado, taas oo marka qofkan kale ee laga shakisnaa uu dareemo aakhirka keeni doonto in uu isaguna sii jeclaado muujiyana runta jacaylka uu qabo.

3. Walaac iyo sakati uu qofku ka qabo in khilaafka mataankiisa dhex maray la furdaamin karo:

Waxaa dhacda in jacaylka dhabta ah ee labada qof dhex maray uu sabab u noqdaba in midkood qaado dareen shaki oo ah in uu jiro wax jacaylkan kaba mudnaa ama in qofkani aanu jacaylkan u qalmin. Waa dareen marar badan dhaca iyo waswaas iska caadi ah, waxa aana inta badan la arkaa marka uu labada qof muran ama khilaaf soo dhex galo. Haddaba waxaa muhiim ah in qofka dareenkan shaki isku arkaa uu aad u taxaddaro, iskana ilaaliyo in uu si dhaqso ah go’aan kala go’ iyo kala tegis ah isaga qaato. Mar kasta oo muran idin soo dhex galo mataankaanga qoyska ku dadaal in aad naftaada siiso waqti ay ku fikirto oo ay si deggen iyada oo aan cadhaysnayn garteedau isula-akhrisato. Mar kasta oo xumaani idin dhex martana ku dadaal in aad xasuusnaato maalmihii badnaa ee wanaagsanaa ee hore aad u soo wada qaadateen.

4. Malaha kaalintii uu qofkan jacaylku idinka dhexeeyaa u baahnaa uma buuxin kartid?

In badan waxaa dhacda in marka uu muran soo dhex galo labada qof ee qoyska wada leh, in midkood oo weliba gabadha u badani uu iska aamino fikir qaldan oo ah in aanu buuxin karin kaalinta jacayl iyo wax-wada qabsi ee uu qofkan ay qoyska wada leeyihiin mudnaa.

Waxa aad ogaataa in aanad adigu taas ogaan kartid, marar badanna ay run tahay in aad tahay jacaylkii ugu fiicnaa iyo qalbigii ugu mudnaa ee garab istaagi lahaa ruuxan. Markaa iska jir tashuushkan oo inta badan la arko marka uu muran ama khilaaf lammaanaha soo dhex galo.

5. Ha isku qasin Shalay iyo Maanta:

Waa hubaal in laba qof oo nolosha iyo qoyska oo dhan wadaagaa ay muran iyo khilaaf iskaga hor imanayaan arrimo badan, laakiin waa laga bogsadaa oo laga gudbaa. Waxaa ceeb ah in muran maanta idiin dhexeeya ruuxa aad qoyska wadaagtaan in aad ku xasuusato muran muddo ka hor idin dhex maray oo aad xalliseen, xitaa haddii sababaha labada muran isu eeg yihiin.

Haddii aad rabto in khilaafka taagan aad ka gudubtaan qoysnimaduna sii jirto waxaa qasab kugu ah in muranka maanta jooga aad u aragto maanta dhalay oo aad isaga uun xalkiisa raadiso adiga oo aan ku xidhayn kii hore aad uga soo gudubteen

6. Samirka oo luma iyo sakatiga badan:

Xidhiidhka qaangaadhka ah ee farxadda ku dhisani waxa uu u baahan yahay caqli iyo in labada qof gacmaha is-qabsadaan oo wada jir arrimahooda si deggen isula eegaan. Waxaa muhiim ah in labadooda midkastaa barto sida ugu habboon ee uu kan kale ee nolosha la wadaagaya ula macaamili karo ulana shaqayn karo. Waxaa fiican in qofku uu isweydiiyo waa maxay waxa labadiinnaba wada jir faa’idada idinku leh, oo aanu ku xisaabtamin in uu kelidii faa’ido ama arrin kelidii u dan ah kan kale culays ku saaro.

Labada qof mid kasta gaarkiisa waxaa looga baahan yahay Samir, xidhiidhka oo uu wanaajiyo, cadhada oo uu yareeyo iyo cabsida ama walaaca aan macnaha ku fadhiyin oo uu dhinac iska dhigo, naftiisana u sheego in qofkani uu yahay ka ay is huran yihiin ee noloshooda inta ka hadhay ay tahay in ay farxad ku dhammaystaan.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *