Muhiimadda Wax Aqriska Iyo Hababka La Isku Jeclaysiin Karo

wax akhriska aqriska wax akhrintaKaalinta Aqriska ee is-hormarinta

Marka aynu eegno xaaladda aynu ku suganahay hadda ee ah dib dhac, colaad, jahli, iyo anagoo kaga jirna caalamka meesha ugu hooseysa dhanka ilbaxnimada iyo hormarkaba, sida ayna tusinayso tirakoob kala duwan ee caalmka laga sameeyey mar karsatana aynu kaga jirno kuwa ugu hooseya wadamada caalamka. Mowduucaan manta oo dawo u ah ama rajagalin usameynaya kuwa jecel in ay wax kororsadaan, bartaan, in badana ka ogaadaan khibradaha dadka kale ee qoraaga ah. Hadaba qormadeenaan waxaan ooga hadli doonaa waa maxay aqris? Faa’iidooyinkiisa, Umadaha iyo aqriska, Muhiimada Aqrintu ku leedahay Islaamka, Nuucyada aqriyeyaasha, Caqabdaha aqrinta, Sidee ugu abuurnaa nafteena jeclaanshaha aqriska, Asaaska Aqriska, Habka Aqriska.

Waa maxay Aqris

Aqris waxaa lagu qeexaa waa howl garaadka/maskaxda qofka ay qabato oo ay u fasirto erayada ama calaalmadaha ee aqriyuhu indhihiisa ku arkayo, asagoo isku xiraya khibradiisa iyo waxa uu arkayo kadibna u abuurta macno.

Faa’iidooyinka Aqriska

Waxaa jira in aqrisku uu kaciyaaro kaalin muhiima is-hormarinta. waxaan halkaan ku qodobeyndoonaa faa’iidooyinka laga helo aqriska waxaana ka mida kuwa hoose:

  • Aqrisku wuxuu ka qeybqaataa baabi’inta ama ka takhalusidda jahliga
  • Kala ogaansha waxa ay diintu kuu baneysay iyo waxa kale.
  • Kordhisaa caqliga iyo garaadka
  • Waxaa laga faa’iideystaa khibradaha qoraaga
  • Kugu kaalmeysaa Kala ogaanshaha waxa fiican iyo waxa liita
  • Qofka wax aqriya waxaa adag in laga guuleysto maxaa yeelay macluumaad badan ayuu ogyahay.
  • Aqrisku wuxuu kugu saacidi in ay luqadaada kororto
  • Umad aanan garaneyn xiligeedii hore, ma fahanto xiliga ay ku jirto iyo mustaqbalkeedaba.
  • Mar kasta uu aqriskaaga kordhaba waxaad u dhawaan bu’da cilmiga waxadna ka fogaaneysaa bu’da jahliga.  Mid kamida culumada islaamka wuxuu yiri “ waxa aan ka bartay aqrinteyda xorta ah kama baran midda aan ku qasbanaa iskuulka ee aheyd aqrinta buugtii aan baraneyey”.
  • Iimaankaaga oo saa’ida marka aad aqrisid kitaabka quraanka.

Maanta iyo Umaddaha wax aqriya

Marka aad eegto xaaladda ay marayaan dadka muslimka ah, dhanka cilmiga iyo markii hore sida ay ahaayeen, ama loo bar bardhigo qolooyinka reer galbeedka waxaad garowsaneysaa in uu jiro farqi xoogan.

Warbixinta UNISCO 2003 ay ka soo saartay aqriska wadamada carbeed ayey waxay ku sheegtay sida tan “Qofka carabeed wuxuu aqriyaan 6daqiiqo sanadkii celcelis ahaan, sidoo kale wadamada carabta 350kun ee qofba waxay soo saaraan hal kitaab ama buug. Halka yurub kaliya 15 kun-ba ee qofba ay soo saarto bug sanadkii celcelis ahaan. Waxaa intaa dheer tusaale ahaan inta warqad ay isticmaalaan oo ay wax ku daabacaan wadamada carabta oo dhan waxaa ka badan oo kaliya madbacada faransa ee la yiraahdo Madbacada Faransa ee daabacaadda. In kastoo aanan la hubin xaqiiqda waxa lagu warbixintaan, laakiin waxaa muuqata in jirto dib dhac dhankaas ah.

Kontonka qofood ee nolosha ku guulaystay ee dalka maraykanka u dhashay waxaa lagu sheegaa in qof kasta oo kamida uu aqriyo 50 buug sanadkii, una dhiganta 1 buug usbuucii taas ayaana lagu sheegay nuxurka guushooda.

Muhiimada Aqrintu ku leedahay Islaamka

Diinta islaamka waxay aad u dhiira galisay wax aqriska, waxaana cadeyn u ah ayaddo quraan, axaadiith, iyo ku camalfalkii dadkii hore iyo kuwii danbe ee wanaagsanaa raadadka ay ka tageen.

  1. Eraygii ugu horeeyey ee lasoo dajo oo waxyi ah wuxuu ahaa Aqri (IQRA), taas oo si cad noo tusineysa inuu islaamku yahay diin dhiira galisa aqriska. In yar hadeynu milicsano Eraygii ugu horeeyey ee Quraanka Karimka ahaa ee lagu soo dajiyey rasuulka (CSW) wuxuu ahaa AQRI oo waliba ficil amar ah, rasuulkana(CSW) lagu ciqaabay inuu aqriyo asagoon aqris garaneynin. Uuna (CSW) ku celcelinayey anigu ma ihi qof wax aqriya ilaa sadex jeer uu Jabriil (CS) uu ceego/ceejo ku qabtay Rasuulka (CS). Taasi waxay na tusineysaa Islaamka muhiimada uu siiyey aqriska, iyo inuu aqrisku yahay furaha cilmiga.
  2. Sidoo kale waxaan wada ogsoonahay sida ku cad siirada rasuulkeena (CSW) inuu aad u dhiira galin jiray aqriska waxaana daliil kuugu filan markii uu rasuulka iyo asaxaabtiisa ku guulaysteen dagaalkii Bader, ayna gacanta ku dhigeen in badan oo gaaladii ah, kadibna rasuulkeen(CSW) uu go’aansaday in raga qaarkood in ay isku madax furtaan in ay baraan 10 caruurta muslimiinta ka mida Aqrinta iyo qoridda.
  3. Marka aad eegtid Culumadeenii hore ayagaa kugu filan tusaale cad dhanka muhiimada ay aqrintu leedahay iyo isbedaladii ka dhashay aqriskoda, Xiligii Haaruun Rashiid ee khilaafdii cabaasiyiinta waxaa lagu tilmaamaa Xiligii dahabiga (The Golden era) sababtuna aytahay in ay muslimiinta gaareen ugu sareynta Ilbaxnimada, Cilmiga, Aqoonta, ilaa caasimadii Bagdaad ee dowladii cabaasiyinta ay noqoto isha ilbaxnimada, hoyga culimada, iyo xarunta cilmiga ee ardayda aduunka usoo safri jirtay.  Bagdaad xiligaas waxay aheed meel ay ku noolyihiin 2 malyan oo dad ah, halka Farance ay ka aheed tuulo, Washiton iyo newyork ay ka ahaayeen meel Duur ah. Bagdaad waxaa ku yaalay 20 kun oo masjid, mowlac (guri ay culumadu duruusta ku bixiyaan), iyo dhismayaal kala duwan oo culumada, kuwa gabya, suugaanyahayka, kuwa falsafada, iyo kuwa seyniska, taariikhda, joqoraafiga, iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo ku howlanaa barida cilmiyada kala duwan ardayda.
  4. Sidoo kale hadaan in yar milicsano culumadii islaamka ee hore sida ay ku ahaayeen aqriska waad la yaabi/amakaaki, tusaaale ahaan:

a)      Ibnu Jowzi (Alle ha u Naxariistee) wuxuu aqriyey inta uu yaraa 20kun oo kitaab inta uusan caalim noqon,

b)      Markii la gubay Maktabadii Ibna Xazam wuxuu yiri hadii aad gubteen kutubteydii ogaada waan xifdisanahaye.

c)      sidoo kale Imam Nawi (Alle ha u Naxariistee) sadex sano ayuu fadhiyey asagoo aqris un ku jira.

d)     Sidoo akle Imam Bukhari (Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa mid habeenkii soo kaca toban jeer ka badan wuxuuna shidan jiray faynuusta/musbaaxa si uu u qoro faa’iido kusoo dhacday, kadibna wuu damin jiray feynuusta, hadana wuu soo kici jiray shidan jiray feynuusta qori jiray wixii kusoo dhacay kadibna damin jiray feynuusta, marar badan.

e)      Sidoo kale Ibnu Qayim (Alle ha u Naxariistee) ayaa wuxu ku sheegayaa kitaabkiisa Rowdatu Almuxibiin “waxaan aqaanaa ayuu yiri qof qaba Suuxdin (waa cudur uu qofka dhuminayo miirka) marka uu soo miiraabo aqriskiisa siiwata, markuu miir daboolmo kitaabka ayaa ka dhaca, ilaa uu oga yimaado dhakhtarka uu ku yiraahdo waxa xanuunka kugu sii kordhinaya waa aqriskee iska jooji.

f)       Arintaa mid lamida waxay ay qabsatay Sheekh ibnu taymiyah (Alle ha u Naxariistee) asagoo aad u xanuunsan ayuu aqris ku guda jiray waxaa u yimid dhakhtar wuxuu yiri Sheekh iska yaree aqriska, beryaahaan iska jooji. wuxuu Sheekh Ibnu taymiyah ku jawaabay ayada(aqriska) aan caafimaad ku helayaa- mark aan aqrinayo kutubta ayaan dareemaa caafimaad.

g)      Qaar kamida culumada islaamka ayagoo ku maman/jecel aqriska ayey u timid tii Alle (Geeridii), waxaana cadeyn kuugu filan Abu Xaatim(Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa nin aqriya xiliga uu wax cunayo, marka uu musqul aadana dhaha caruurtiisa iisii aqriya, maalinkii aduunka uu ka tagayey asagoo aqrintii gabay oo sakaraadku saaranyahay ayuu amrayey ardeydiisa in ay u aqriyaan asagana uu dhageysto waxa ay aqrinayaa si uu ufaa’iideysto ilaa ay nafta ka baxdo, naxariistii alle hasiiyee.

h)      Sidoo kale Imam Abuu xaniifa(Alle ha u Naxariistee) asagoo oo ay heyso Sakaraadka geerida ayuu ardayda kala doodayey/niqaashayey su’aalo Hajka axkaamtiisa ah ilaa ruuxdii sida ay oga baxdo.

i)        Waxa kaloo laga sheegay Caqaad (Alle ha u Naxariistee) inuu aqriyey 60kun oo kitaab.

Intaas oo dhan iyo kuwo farabadan oo cadeyn kuugu filan, waxay ku tusinaysaa sida ay culumadii hore ay aqriska ku ahaayeen. Hadaba Umadda islaamka oo lagu magacaabo Umadii Aqriska ayaa inteeda badan aanan waxba aqriyin, waana ayaan daro ku habsatay umadeena. Isla markaana og wax aqrisku inuu yahay hab ka mida hababka u kordhiya qofka  aqoontiisa, dhaqankiisa, iyo hormar dhan walbaa. Hadaba muhiimada ay siisay islaamka aqrintu laguma soo koobi karo maqaal kaliya ee wuxuu qoraagu jecleystay inuu in yar ka tilmaamo.

Nuucyada aqriyeyaasha

Nuuyada kuwa wax aqriya sida aan ka xiganeyno Sh. Maxamed bin Salih Almunjid waa sadex nuuc oo kala ah:

a)      Aqriye indhaha un wax ka aqriya: waa marka aqriyihu uusan dhaqdhaajin xubnaha afka sida carabka iyo faruuryahaba.

b)      Mid aqrintiisa ay la socoto nuuxnuuxinta afka: waa marka uu aqriyihu uu aqriskiisa u adeegsanayo dhaqdhaqaajinta xubnaha afka.

c)      Iyo mid ku aqriya la dhawaaqid waxa uu aqrinayo: waa marka aqriyuhu uu la dhawaaqayo lana maqlayo waxa wuu aqrinayo.

Sadexdaa nuuc ee aqriyeyaasha waxaa ugu fiican aqriyaha kowaad maxaa yeelay qaabkaas wuu ka dhaqsiyo badanyahay labada kale, sidoo kale indhaha unbaa shaqeynaya iyo maskaxda, halka labadakale xubno kale oo jirka ka tirsan la shaqeynayaa.

Caqabadaha aqriyuhu la kulmo

  1. Caajis iyo dulqaad la’aan
  2. Hilmaan badan
  3. Fahamka qofka oo liita
  4. Carab-culeys am Aqriska qofka oo aad u hooseeya (oo aanan boobsiinkarin/dedejinkarin)
  5. Ogaansho la’aanta muhiimada ay leedahay aqrintu
  6. Marmarsiyo ku aadan cilmigiiba waxaan ku heli karnaa si sahlan anagoo adeegsaneyna technolojiyada casriga ah.. sababtee wax u aqriyaa anigooba ku heli kara wax kasta oo aan u baahanahay si sahlan dhaqso ah, kana heli kara internetka, ama keydadaka cilmiga sida (database, warehouse), amaba u diri kara Google.
  7. Buugga/kitaabka ama mowduuca oo aad u dheer.
  8. Ka bilaabidda buugta waaweyn asagoonan qofku garaneyn kuwii asaasiga u ahaa kutubtaas.
  9. Ku mashquulid wargeys, joornaalo ama qoraalo kale oo aan nuxur laheyn.

10.  Saaxibadda qofka oo aanan aheyn kuwo wax aqriya, ama ku dhiira galiya aqriska dadka kale.

11.  Luqadda uu ku aqrinayo qofku oo uu ku liito.

Sidee ugu abuurnaa nafteena in aan jeclaano aqriska?

Waxyaabaha kugu saacidi kara in aad noqotid aqriyaa (Qofka wax aqriya) waxaa ka mida:

In aad dareensantahay muhiimada ay leedahay aqrintu

Dadku waxay cadow ku yihiin waxa ay jaahil ka yihiin, aqrisku waxuu kobciyaa afkaarta aqriyaha, dhaqankiisa, noloshiiisa, lanoolashada bulshada, wuxuu kaloo ka dheefaa khibrada qoraaga kitaabka.

Baabi’inta aqris neceebka

Wuxuu qofku ku baabi’in karaa neceebka aqriska sida soo socda; inuu siiyo aqrinta waqti ku haboon, si habeysana uu wax u aqriyo, kutubta yar-yarna uu ka bilaabo gaar ahaan kuwa 50 -150 baal ah kadibna uu u gudbudbo kuwa waaweyn. Kana dhigto Saaxiib kitaab/buug mar kasta oo uu firaaqo leeyahay ama uu sugayo dad ama howl, amaba uu safar ku jiro.

Ka dhig aqriskaaga mid aad ujeedo ka leedahay

Waxa aad aqrineysid waa in aad hadaf ka leedahay, sidaa darteed waxaa la yiraa marka aad rabtid in aad gaarto ama xaqiijiso hadaf ka mida hadafyada noloshaada waxaad u baahantahay in aad aqriso kutubta kugu saacideysa in aad gaarto hadafkaagii. Tusaale ahaan waxaad rabtaa in aad ilmahaaga tarbiyeyso tarbiyo fiican, si ay arinkaas kuugu suura gasho waa in aad aqrisaa kutubta tarbiyada iyo abaabinta ubadka. Ama waxaad rabtaa in aad hormarisid howshaada, ganacsigaaga, si ay u suura gasho arintaas sidoo kale waxaad u baahantahay in aad aqriso buugta ganacsiga, maamulka, dhaqaalaha iyo wxii la mida. Hadii ay kugu jirto in aad is-hormarisid waxaad aqrin kutubta laga qoray xeendaabkaas. Hadaba ujeedo u aqri buuga aad aqrineysid.

Xulo kutubta kugu haboon

Booqo maktabadaha , meelaha lagu iibiyo, meelaha lagu soo bandhigo buugta/kutubta. Wey dii dadka aqoonta u leh buuga iyo qoraaga kaa haqabtiraya baahida aad u aqrineysid buugga. Isla markaana luqadda uu ku qoran yahay aad fahmi karto, waa in aad iska ogaadaa qoraaga fikirka uu xanbaarsanyahay hadii aad tahay qof heysta cilmi kufilan kala ogaanshaha afkaarta qaldan iyo mida saxda ah, hadii kale kala tahso cidda aqoonta u leh.

Habey maktabadaada

Ka samey gurigaaga maktabad yar Una habey kutubtaada si indhahaaga soo jiidaneyso kuuna sahlan in aad hesho ama soo qabsato buuga aad daneyneysid, si uusan waqti kaaga dhumin.  Sidoo kale qor ama diiwangali kutubta maktabadaada.

Xaadir kulamada culumada iyo aqoonyahanka

Waa in aad tagtaa fadhiyada/xalaqooyinka cilmiga ah, la saaxiibtaa culumada iyo aqoonyahayka, la fariisataa kana faa’iideysataa ayaga si ay kuugu dhiira galiyaan in aad noqotid nin aqriyaa ah.

Waa in aad wax u aqrisaa qaabo kala duwan, aqrisaa buug kala duwa kala takhasus ah waxay carbtu ku gabaydaa “ quluubtu wey daashaa sida uu jirka u daalo, sidaa dated u raadi xikam iyo wax dhiira galiya”

Waa in aad ka fogaataa waqti ku dhuminta fadhi kudirirka, sheekooyinka maalaayacniga ah ee lagu soojeedo/saharaleylo meelo badan oo kamida maqaayadaha. Waxaa sidoo kale jirta xikmad dhaheysa “qofkii wax ku barbaara wuu ku cireystaa/daqoobaa”.

Maxaa Asaas u ah Aqrinta

  • Waa in aad ogtahay kuna qanacsantahay muhiimada aqrintu kuu leedahay, maxaa yeelay marka aad buug u aqrineysid in aad faa’iido ka heshid waxay kordhineysaa hamigaaga iyo aqoonta aad damacsantahay.
  • Waa in aad wax u aqrisaa Alle dartiisa, niyadaadana aad u sheegtaa in aad wax u aqrinaysid Alle dertiis.
  • Waxaad aqridaa noocyo kala duwan ee buug ah. Sida asaasiyaadka culuumta kala duwan. Kadibna xooji takhasuska aad rabtid in u weecatid/leexatid mustaqbalka.
  • Wax u aqri si kala horeysa, isla socota ama isdaba joogta adigoo aqriskaaga ka bilaabeysid kutubta fudud kadibna kuwa dhexdhexaadka ah, ugu danbeyna kuwa waaweyn. Iska jira in aad barashada ama aqriska ku bilowdid kutubta waaweyn taas waa arin maantadaan mushkilo ku heysa in badan oo rabay in ay waxbartaan laakiin aan si sax ah wax u baran.
  • Hadii aad rabtid in aad aqriso kitaab ogow mowduuciisa kadibna aqri Tusmadiisa aadna isaga aqri mawaadiicda uu ka hadlayo, sidoo kale aqri hordhiciisa si aad in badan wax ooga ogaato hadafka loo qoray buuga iyo sida loo habeeyeyba.
  • La soco, aqri kutubta asalka ah (Asuusha), iyo kuwa la soo kookoobay (Mukhtasiraad) ee kutubta cilmiga. Wiliba waxay asaasi u yihiin qofka ku cusub takhasuskaas. Arintaas waxay kuu suura galineysaa in aad inbadan asaas ama salfiican u yeelatid aqrinta kuwa waaweyn ama shuraaxda.
  • Ha goo goynin aqriska ee si isdaba jog ah u aqri maxaa yeelay waxay kugu dhalin in aad ka caajisto ama xirfadii aqriska ay hoos u dhacdo. Tusaale ahaan hadii qofka uusan aqrin muddo dheer maskaxdiisu wey istaagi oo waxay la mid noqon Gacan lakabay oo la yiri ha dhaqdhaqaajinin gacanta mudo. Mudo hadey gacantu xirnaato, marki laga furo kabka, gacanta waxay u baahantahay in la jimciyo oo maalin kasta la baro dhaqdhaqaaq. Sidaas oo kale ayey maskaxdu noqotaa haduu qofka aqriska gooyo muddo dheer. Waxa ku dhici qofka markas inuu bilaabo inuu ku  tababaro maskaxdii aqrinta. Sidoo haduu mudo gaaban googooyo aqriska waxaa ka halaabi aqriyaha fahanka kitaabka uu aqrinayey.
  • Marka aad gadaneysid kitaab iska hubi isla markaana bogbog u gadgadi, sida aad isga hubisid in ay jirto bogag banaan, ama tirtiran, ama warqado kamida ay ka maqanyihiin.
  • Mowduuca aad rabtid in aad wax ka ogaatid, ka aqri kutubta kulminaysa mowduucaas ama si tafa-tiran ooga hadlaysa. Hadaadan helin ka aqri maraajic kala dowan si aad u koobtid mowduuca.
  • Marka aad aqrisid kitaabka ka qoro meelaha muhiimka kuu ah, kadibna kala dood/niqaash ama u gudbi arday ama dad kale si ay faa’iidada aad heshay maskaxda u qabato. Hana ilaawin/iloobin in aad fulisid kuna camalfashid waxa aad ka faa’iidey kitaabka.
  • Ha u malayn kitaab kasta ama buug kasta in uu saxyahay ama uusan khalad laheyn marka laga reebo Kitaabka Alle iyo Xadiiska rasuulka (SCW).  Waxaa suura gal ah in ay ku jirto kutubta qaarkood khalaad dhanka caqiidada ah, luqadda ah, fikirka ah iyo wixii lamida.. hadaba kala tasho cidda cilmiga u leh.
  • U aqri kitaabka in aad bilow ilaa dhamaad koobtid, dooro kitaabka ku soo jiidanaya iskana yarey kutubta kugu abuuraysa in aad ka caajistid aqriska. Sidoo kale u xulo kutubta qaarkood in aad ka aqrisid mowduucyo kamida Tusmadiisa. Naftaada ha barin in aad bilowdid kitaab aadna meel dhexe ooga tagtid kadibna mid kale aad bilowdid aadana dhameyn adigoona hadaf ka laheyn arinkaas.waxay kugu keeni in aadan wada fahmin macluumaadka uu xanbaarsan yahay kitaabka.
  • Hadii ay kugu badaan kutubta u kala hormari sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin.
  • Ha moogaan in aad xiriir layeelatid Maktabadaha kala duwan ee dalka aad joogto, isla markaana aad ka warqabtid, aadna meelaha lagusoo ban dhigo kutubta cusub.

Habka wax loo Aqriyo

Ayada oo ay jirto habab kala duwan inuu aqriyuhu adeegsado laakiin qoraago wuxuu doorbiday inuu si koban usoo gudbiyo habka hoose:

1        Waa in aad u doorataa aqriskaaga meel munaasab ah oo xasilan/degan, iftiin fiican leh, hawo leh, sharqantu ay yartahay, si sax ahna u fariiso, kana fagow talafishinka iyo TV-yada, iyo caruurta meesha ay ku ciyaarayaan. Si kastaba ha ahaatee ku dadaal meeshu in ay tahay mid aanan kaa qaseyn aqriskaaga, aadanna dareemeyn kaa qasaya am jaraya aqrinta.

2        In uu aqriskaaga uu noqdo mid aad ku aqrineysid si aamusan oo aadan dhaqdhaqaajineyn xubnaha afkaaga. Maxaa yeelay markastoo arintaas aad sameysid waxaa dhacda in uu dhinmo ama yaraado xawaaraha ama degdega aqriskaaga. Marka aad wax aqrineysid hadhaqdhaqaajin madaxaaga ee adeegso oo kaliya dhaqdhaqaaqa Indhahaaga adigoo la raacaya hadba sadarka aad maraysid. Sidoo kale farta ama qalin hala raacin sadarada aad aqrinaysid.

3        Waa in aad taqaano xiliyada aad wax aqrin kartid tusaale ahaan in aad tahay qof nafsad ahaan degan, waqtiguna uu yahay mid kugu kaalmeynaya in aad ka faa’iideysado aqriskaaga, Sida xiliyada subixii, xiliyadda aad hurdo ka kacday ee maskaxdu diyaar utahay in ay wax qabato.

4        Ka dhig qaab aqriskaaga mid u dhigma wax aad aqrineysid, tusale ahaan hadii aad aqrineysid Buug culus ama adag u aqri si degan si aad ufahantid waqti dheerna sii. Hadii aad aqrineysid maado iska fudud u aqri si degdeg ah kadibna xifdi meelaha muhiimka ah.

5        Inta aadan ku bilaabin aqriska buugga, ugu horeyn aqri Ciwaanka, cidda qortay, hordhaca iyo tusmada, IWM. Kadib ka fikir inta aadan bilaabin buug aqrintiisa in aad is xasuusisid macluumaadkaagii hore ee la xariira mowduucaan si aad u kala ogaadid inta aad kaga baahantahay buugaan iyo inta kale.

6        Raac habka uu uhabeysan yahay buuga ama mid kuu gooni ah dajiso si aad u soo koobtid inta aad ka damacsanatahay ama aad dooneysid in aad ka barato buugga ama ka aqrido.

7        Diyaarso waxa aad ku qaadan laheyd nuxurka buuga ama faa’iidada sida Buug, Qalimaan kala duwan, Warqaddo midabo kale duwan ah.

8        Qof kasta qaab u gooni ah ayuu wax oogala baxaa buuga una qortaa, sabatuna waxay tahay dadka waxaa loo qeybiyaa dad wax ku xasuusta aragti, maqal iyo IWM. Marka mid kasta wuxuu leeyahay qaab uu wax isku fahansiiyo una xasuusan karo waxa uu ka helay buugaas oo faa’iido ah. Qofka aragga wax ku xasuusta wuxuu jecelayhay inuu u qorto nootka si sawirro ah ama farshaxan ah sida inuu sawiro Geed kadibna uu mowduuca guud iyo qeybihiisa ku kala qoro geedka qeybihiisa. Midka maqalka wax ku xasuusta wuxu jecel yahay inuu duubto codka macalinka ama uu raadsado cid ku dul aqrida uu ka dhaqgeysto. Dadka qaarna waxay qalin ku dul calaameeyaan buugga dushiisa, ama ay qalin midab ah dul mariyaan meelaha iyo qodobada muhiimka ah.

9        Ugu danbeyn marka uu aqriska dhameeyo qaatana note-kii waxaamuhiim ah inuu is xasuusiyo waxa uu soo aqriyey asagoo adeedsanaya warqadihii uu wax ku qortay, Kadibna uu dad kala niqaasho ama ay ka wada hadlaan.

10    Ku keydi xogtaada meel fiican oo aad ka heli karto, sida in aad ku keeydsato feylal.

W/D: Cabdikamaal Maxammed Sheekh C/laahi

Email:kmlsom@hotmail.com

 

Check Also

Xidhiidhka iyo Is-moogaysiinta W/Q: Mubarak Hadi

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee xidhiidhka labada qof cimriya waxa ka mida is-moogaysiinta. Dad fara badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *