Sababaha Ay Dhakhaatiirtu Ugu Taliyaan In La Joogteeyo Cabista Caanaha

Caanaha oo kugu yaraadaa waxay sababaaan dhiig yaraan aad u daran, waxay sidoo kale sababtaa cudurka lafaha burburiya ee loo yaqaano Osteoporosis iyo xanuunoo kaloo la xidhiidha.

Cabbista Caanuhu waxay si aad ah caafimaad ugu leeyihiin Jidhka qofka bili’aadanka ah. Muuqaalkan waxaan kaga hadli doonaa qaar kamid ah faa’dooyinka faraha ee cabbista caanuhu u leeyihiin qofka bili’aadanka ah.

Qormadaan waxaa kaga hadli doonaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka faraha badan cabbista caanuhu u leeyihiin qofka banii-aadamka ah:

Waxay u fiican yihiin lafaha:

Caafimaadka lafuhu waa mid ka mid ah faa’iidooyinka ugu badan ee laga helo cabbista caanaha maadaama ay ku jirto macdanta loo yaqaan calcium taasi oo u fiican caafimaadka lafaha.

Waxay u fiican yihiin wadnaha:

Caanaha waxaa ku jira maado maado loo yaqaan potassium  taasi oo hoos u dhigta jaaniska uu wadne xanuunku kuugu dhaci karo.

Caanaha waxaa laga helaa Vitami D:

Vitamin D-gu wuxuu caan ku yahay inuu sare u qaado hormoonka loo yaqaan serotonin kaas oo ka masuul sida qofka hadba niyadiisu tahey, maadaama caanaha uu ku badan yahay vitamin D-gu waxay qofka ka caawin karaan iney niyadiisa ama mood-kiisu fiicnaado, murugaduna ay ku yaraato.

Waxay kaa caawinayaan dhisida muruqyada:

Caanaha lo’du waxay qani ku yihiin oo ka buuxa borotiin kaasi oo muhiim u ah dhisidda muruqyada. Haddii aad danaynayso inaad muruqyadaada dhisto, ha u daymo la’aan cabbista caanaha.

Waxay u fiican yihiin ilkaha:

Caananuha waxaa ku jira maadooyinka loo yaqaano calcium iyo potassium kuwaasi oo faaiido weyn u leh caafimaadka ilkaha.

Waxay Qurxiyaan maqaarka jidhka:

Caanaha waxaa ku jira maadooyin maqaarka jidhka u fiican kuwaasi oo nadiif ka dhiga, sidoo kale caanuhu waxay dhalaaliyaan maqaarka, waxaanay ka dhowraan qallaylka.

Waxay Hoos u dhigaan cayilka:

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu cadeeyay in dadka cabba ay ka caateysan yihiin ama ka dhuuban yihiin, caanuhu waxay hoos u dhigaan baruurta.

Waxay hoos u dhigaan sonkorta ama macaanka:

Caanaha geela waxaa ku jira hormoon loo yaqaan insulin taasi oo kantaroosha sonkorta. Joogteynta cabbista caanaha geela waxay xakameyaan macaanka.

Waxay ka hortagaan kansarka:

Cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday inay caanuhu ka hortag u yihiin kansarka ku dhaca uur ku jirta sida kansarka beerka, kansarka xiidmaha iyo kansarka malawadka.

Waxay hoos u dhigaan daalka iyo stress-ka badan:

Kadib maalin dheer oo shaqo amaba wax kale aad ku daashay, haddii aad ku dhufato koob diirran oo caano ah muruqyadaada tacbaanka noqday way kala bixi doonaan, waxayna kaa yareyn doonaan stress-ka iyo daalka badan.

Diyaariye: C/risaaq Faarax

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *