Mooska Iyo Faaidooyinka Uu U Leeyahay Jidhka Dumarka

mooska
Dumarada inta badan marsada kireemka la farsameeyo ee ay soo saaraan warshadaha si maqaarka wajigooda ayaa kala kulma inta badan dhibaato ayku keenaan kiriimkaa

Hadaba hadii aad ka mid tahay dadka mushkiladaasi heysto daryeelmagazine.com ayaa kuu haya qurux dabiici ah oo dib u soo celineysa quruxda wejigaaga, islamarkaana kaa xalineysa dhamaanba cabashooyinkaaga. Isticmaalka mooska wuxuu kaa caawinaayaa finanka iyo nabarada wejiga.

Finanka:

Haweenka ka cawda dhibaatooyinka maqaarka mooska ayaa xal u ah, gudaha diirka mooska wuxuu xaliyaa finanka.

Marin todobaad ka hor inta aadan seexan, wejigaaga diirka mooska,waxaa laga yaabaa iney xoogaa wasaq tahay,laakin todobaad kadib finankii oo dhan wey kaa baaba’ayaan.

Goobaha Madmadow:

Madowga ka sameysma indhaha hoostooda,dad badan waxey u aaneeyaan inuu sabab u yahay soo jeedka dhafarka badan, hadaba hadii aad ku aragto hareeraha indhahaaga mugdigaas sida ugu dhaqsiyaha badan mari moos aad qastay, wuxuu kaa caawinayaa inuu kaa baabi’iyo.

Wejiga qalalan:

Dhibaato makugu haayaa wejiga qalalan? Cuncun maqaarka ah mana dooneysaa inaad xal u hesho. Jejebi mooska kadibna mari wejigaaga, ku daa mudo toban iyo shan daqiiqadood ah, kadibna ku meedh biyo diiran, waxaana dareemi doontaa isbadal wejigii qalalnaa.

Dildilaaca cirbaha:

Moosku wuxuu sidoo kale kaa caawiyaa dildilaaca cirbaha ku yimaada, kaasoo haween badan ka qaadan isticmaalka kabaha cidhibta dheer leh. Hadaba mooska si wanaagsan u mari cirbaha meelaha uu ka dildilaacsan yahay kuna daa daqiiqado waxey kaa yareyn doonaan dildilaacaasi.

Heer kulka saa’idka ah wuxuu in badan qaleel badan ka dhigaa maqaarka. si aad uga fogaato maqaarkaaga inuu dildilaac sameeyo ama jactad waa fikrad wanaagsan inaad todobaad walbo isku qooshto moos, qamadi shiidan iyo caanaha qumbaha kadibna si wanaagsan u marso si wanaagsan, kadib maqaarkaaga wuxuu yeelan doonaa dhalaal aanu hore u laheyn.

Wejiga saliida leh:

Maka cabataa wejiga saliida leh? Isku qas moos kuna dar labo qaando oo liin ah, mari dhamaan wejiga kuna daa mudo toban iyo shan daqiiqo ah.

Acidka ku jira liinta wuxuu yareynaayaa dufanka ku jirta maqaarkaaga, waxaadna dareemi doontaa isbedel aad u wanaagsan.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *