Mobeelka Galaxy S6 Edge Oo Si Weyn Loo Dalbanayo

galaxy s6 edgeSidaa la ogsoonahay shirkadda Samsung waxay daaha ka qaaday labada mobayl cusub ee kala ah Samsung Galaxy S6 iyo S6 Edge kuwaasi ay noqdeen labada mobayl shirkaddu ay shirkadaha kale kula tartamayso sannadka 2015.

Waxa laga soo warayay wargays ka soo baxa dalka konfur Korea in shirkadda Samsung ay la yaabantahay dalabka weyn ee u yeeshay mobaylka Galaxy S6 iyo S6 Edge oo ay u badantahay S6 Edge.

Marka la barbar dhigo silsiladda Galaxy S waxay aad loo dalbaday mobaylka S6 Edge iyadoo ka qaalisan mobaylka S6, waxaana la arkay sida khubarada ay shegeen in dalka Konfur Korea ay tahay waddanka ugu iibsiga badan leh ee mobaylkan.

Shirkadda Samsung waxa ay in muddo ay ku jirtay khasaaro weyn kaasi oo sabab u noqday mobaylka Galaxy S5 oo iibsigiisa hoos u dhac ku yimid, sida awgeed isbaddal weyn ayay samaysay shirkaddu sida qolofta mobaylka oo laga dhigay Aluminum taasoo awal uu ahaan jiray Plastic iyo nidaamka oo waxyaabo badan laga badalay.

Check Also

computer security computer-kaaga

5 Qodob Oo Computer-kaaga Ka dhigaya Secure

Tilmaamaha soo socodo waa kuwo kaa caawin karo in Computer-kaaga uu ka badbaado Viruses iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *