Miraha Kiwi Iyo Waxtarkooda Ugu Weyn

Dr. Turan Karadenize oo ah professor barre ka ah kuliyada beeraha ee jaamacada Turkish Ordu University ayaa sheegay in hal miraha kiwi ga ah oo miisaankeedu yahay inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 gram, ay dhici karto in ay daboolaan dhamaan baahiyaha jirka dadka waaweyn ee vitamin C ga maalintii.

Dr. Karadeniz ayaa waxa uu ku taliyay in la cuno ugu yaraan hal miraha kiwi ga ah maalintii,waxana uu tilmaamay in hal miraha kiwi ay dhiganto 1 kilo gram oo liinta orange ta ah oo iyadu hodan ku ah vitamin C ga.

Dr. Turan ayaa waxa uu intaa ku daray oo uu yiri “Jirka bini’aadamka ma masoo saaro vitamin C kolkaa waxa uu ku qasban yahay in uu dibadda ka helo, “Sidaasi daraadeed waxaan ku talin lahaa in la cuno hal miraha kiwi ga ah ee hodanka ku ah vitamin C ga maalintii”.

Karadeniz ayaa waxa uu tilmaamay in miraha Kiwi ga ay ku jiraan vitamin da K iyo E marka lagu daro vitamin C isagoo farta ku fiiqay in miraha kiwi ga ah ay wax ku ool u yihiin hoos u dhigida dhiig karka iyo baruurta (cholesterol) ka.

Xigasho: Anatolia

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *