Cunnooyinka U Fiican Dhisida Murqaha Jidhka Iyo Xilliyada La Cuno

Dhisida murqaha jidhka iyo qaabaynta murqaha maaha mid bilaabata kaliya marka aad aaddo goobaha lagu dhiso jidhka oo aad biro qaaddo, si murquhu ay u kobcaan waxaa loo baahan yahay qaadashada cunno iyo cabitaanno qani ku ah tamar badan iyo inaad awoodda murqaha ku dhistid miisaan culus.

Qorshaha cunnada

Khudradda iyo midhaha:

Waxay aasaasi u yihiin cunno isku dheelitiran oo kulminaysa macdanaha, noocyada faytamiinnada iyo borotiinnada kale ee jidhku u baahan yahay.

Cunnada dufanka ay ku yartahay:

Waxaa noocan laga dheefsadaa barootiin tayo leh iyo faytamiinno daruuri ah sida faytamiin D, macanaha kaalshiyam iyo potassium. Shukulaatada caanaha ku milan ayaa ah mid ku wacan sameynta layliga jidhka kadib, haddii aanad xamili karin maadada laktoos ee laga helo caanaha waxa aad u badalan kartaa caanaha la fadhiisiyay.

Hilibka jiirka ah:

Hilibka jiirka ah ee aan lahayn dufanka waxuu murqaha ka caawiyaa gaadhsiinta ogsijiinta waxaana ku badan maadada loo yaqaano “Myoglobin”, waana cunno laga helo borootiin asaasi ah oo aan looga maarmin dhismaha jidhka ragga.

Ukunta:

Waxa ay qani ku tahay nafaqo jidhka aanu ka maarmin. Waxaa habboon in qofka uu maalin walbo quuto hal xabo oo ukun ama beed ah si uu udhiso murqaha jidhka. Waxaa ukunta laga helaa Faytamin B12 oo ah faytamiin quudiya murqaha jidhka, daruuri na u ah dadka xiiseeya murqaha oo kobca iyo jirdhiska.

Lawka:

Waxaa lagu yaqaanaa in uu leeyahay nooc ka mid ah borotiinnada oo u wanaagsan dhisida murqaha jidhka, sidoo kale, lawska wuxuu jidhka ka caawiyaa qashin saarka.

Digirta iyo hadhuudhka:

Waxaa laga helaa maadada “carbohydrate” oo tayo leh, sidoo kale waxaa laga helaa borotiin yar oo tamar siiya murqaha si ay shaqadooda u gutaan, iyo faytamiinno isku habeeya unugyada jidhka

Muddaynta ayaa ah muhiimadda ugu wayn

Waqtiga aad ku aaddinayso quudashada cunnada ayaa wax walbaa ka muhiimsan, marka aad jimicsiga ka timaado quudashada walxaha caanaha iyo shukulaatada ka samaysan ayaa taageera qaab dhismeedka murqahaaaga iyo kobcinta awooda muruqa.

Si murqaha ay kobac u sameeyaan waxaa muhiim in aad garaneysid waqtiga ugu haboon ee la cunno cunnooyinka kaa taageera dhismaha murqaha,

Xaddiga loo baahanyahay

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad ka dignaato quudashada cunno badan, sababtoo ah cunnada badan waxay jidhkaaga soo gelineysaa kalooris badan, waana waxa sababo cayilka, tamarta cunnada hadii ay badato waxaa badanaya baruurta koreysa jidhkaaga.

Si aad u dhistid murqaha jidhka, waa muhiim inaad qaadatid cunno isku dheelitiran, sidoo kale waa muhiim inaad garatid in borotiinka uu lagama maarmaan u yahay dhismaha murqaha, sababtoo ah murqaha waxay ka sameysan yihiin borotiin.

Tusaalaha qaadashada borotiinka

Ragga aalamiiteeya si jirdhis ku habboon ay u sameeyan, waxay u baahan yihiin 1.6 illaa 1.7 garaam oo borotiin ah oo loo qeybiyay kilogaraam walba culayska jidhka qofka ah.

Laba koob oo caano ah waxa ay nasiinayaan 20 gm oo borotiin ah, waana xaddi ku filan in ay falgal togan ku sameeyaan shaqada murqaha. Si aad xaaladdaada caafimaad iyo qaab dhismeedkaaga jidhka isugu dheellitirto la tasho cunno yaqaan (dietician) kaa caawiya dhisida murqaha jidhka adiga oo qaadanaya cunno nafaqo iyo caafimaad leh.

Daali murqahaaga si aad u dhistid.

Arintaan waa qaab aad u wanaagsan oo la hubo in murqaha jidhka ay si deg deg ah uguu kobcaaan. Waa marka la joogteeyo jimicsiga oo daal badan lagu sababo murqaha. Arintaan ayaa la xaqiijiyay inay kobciso murqaha.

Ku celceli qaadista miisaanka si murquha ay u beerdareeyaan tamar kadibna ay u helaan kobac, waxa aad maanka ku haysaa in culayska baruur ee ku saaran saamayn ku yelanayso xaddiga  ay kobcayaan murqaha. Oraah caan ku ah jirdhiska ayaa sheegeysa “Hadii aadan isticmaalin awoodda murqahaaga, waxaad lumineysaa kobacooda”

Waxaa muhiim ah inaad ogaatid hadii ay badan tahay baruurta ku daboolan murqahaaga, inaadan si dhaqsa ah ku arkeynin kobaca ay sameeyeen murqaha, sidaa darteed si ay usoo baxaan murqahaa waa muhiim inaad yareysid miisaanka baruurta saaran jidhkaaga oo idil.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *