Maxay Tahay Sababta Raggu U Guursadaan Dumarka Xun??

Hadaad go’aansatid inaad diintaada dhamaystirtid oo aad guursatid, tolow yaad guursan lahayd?

Ma waxaad baadhi lahayd inan hoyadaa u eg oo sida hooyadu ilmaheeda u koolkooliso oo u ilaaliso kuu ilaalisa ayaad baadhi lahayd mise waxaad baadhi lahayd gabadh aad madaxweyne aad u noqon lahayd iyaduna wasiir ay kuu noqon lahayd, hadalka kugu soo celin oo sida hadhkaaga kuu daba socota, mise waxaad baadhi lahayd gabadh MAYA kugu odhanayn, haddaad ku tidhaahdid samada midabkeedu waa casaan ku odhanaysa waa SAX!

Hadaad guursanaysid ma waxaad baadhi lahayd gabadha hami iyo qami nolosha aanan ku lahayn adiga aan ahayn, gabadha hadafkeeda koobaad nolosha uu yahay adiga, damaceeda koobaadna nolosha uu yahay adiga, mise waxaad baadhi lahayd gabadha qurxisa wajigeeda iyo jidhkeeda in ka badan intay qurxin lahayd caqligeeda iyo qalbigeeda, mise haddaad guursanaysid waxaad baadhi lahayd gabadha shakhsiyadeedu xooggan tahay, gabadha nafteeda ka adag, gabadha cagaheeda ku taagan, gabadh aan isku kaa halayneyn, gabadh laga yaabo inay kaa maskax wayntahay kaa aqoon badan, gabadha hadaad khaldan tahay ku odhanaysa waad khaldan tahay, hadaad saxsan tahay ku barbar istaageysa oo ku taageereysa?

 

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *