Maxay Calooshaadu u Kuusan Tahay?

Horay ma u maqashay qof raba in uu difaaco sababta uu calool kuusan ama ‘yar kuusan’ u leeyahay isaga oo leh “waa loo baahan yahay calool yar oo dhexda lagu dhuuqsado” ama “calooshu waa astaanta xaajiga/maalqabeenka.” Haddii aadan hadallada noocaas ah horay u maqlin xitaa, waa qasab in aad, haddii aadan adigu lahayn, horay u aragtay ama aadba taqaan dad calooshoodu kuusan/weyn tahay. Haddaba, maxaa sababa in qofku uu xeyr badan ku yeesho calooshiisa? Warcelinta wayddiintaas aan bal cilmiga u deyno.

 

Sababta ugu weyn uguna caansan ee caloosha weyn keenta waa CAYIL. Si aan si fiican ugu fahanno sida jirku uu u keydiyo xeyrta, aan milicsanno duruusta Bayoolajiga.

Nooca cunnada jirkeenna siisa tamar ay xubnaheennu ku dhaqdhaqaaqaan waxaa loo yaqaan karboohaydareetis(carbohydrates). Cuntooyinka laga helo waxaa ka mid ah baastada, bariiska, rootiga, baradhada, galleyda iqk. Sokorta laga helo miraha waa nooc ka mid ah karboohaydareetiska. Jirkeennu marka uu burburiyo karboohaydareetiska wuxuu u sii beddelaa sokor fudud oo hadhow ku dhex milmi karta dhiigga, si markaas ay xubnaheennu u helaan tamar ay shaqo ku qaban karaan. Haddii aad cunto karboohaydareetis ka badan inta jirkaagu u baahan yahay, waxaa dhacaysa in jirku keydiyo oo uu u beddelo dufan si mar dambe loo adeegsado. Haddii cuntada aad cuneyso ay badan tahay, dhaqdhaqaaqa aad samaynaysana uu yar yahay, jirkaagu wuxuu billaabayaa in uu dheefta cuntada dufan ahaan u keydiyo waana sababta hadhow aad u cayilayso.

Cilmigu wuxuu tilmaamayaa in mar walba oo ay da’deennu korortu metaboliisamkeennuna (farsamada uu jirkeennu u gubo cunnada ama uu tamar iyo dheef ugu beddelo) uu gaabinayo. Saa daraaddeed dadka shaqadooda uu dhaqdhaqaaqu ku yar yahay sida in 8 saacadood iyo dheeraad kursi uun lagu fadhiyo, waxay u badan yihiin in ay dhaqsi u cayilaan haddii aynan jimicsi sameyn.

Waxaa la qabaa in sokortu ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee cayilka. Sokortu waa nooc ka mid ah karboohaydareetiska. Sokor badan oo laga yaabo in aadan ka warqabin in aad cuntay waxay ka buuxdaa macmacaannada, iyo cabitaannada gaaska leh (soda), sida faantada, kookakoollada, beebsiga iwm. Waxaa tif ka ah sonkor warshadeysan (processed sugar) oo culeyskaaga si xad dhaaf ah u kordhin karta.

Sida ay tilmaamayso daraasad ay samaysay Jaamacadda Harvard,xaddiga dufanka ee jirkaaga waxyaabo fara badan ayaa go’aamiya. Waxaa ka mid ah: da’daada (dadka waaweyn badanaa waa ka cayilan yihiin dadka yaryar), lab ama dheddig (jirka dumarku mar walba wuu ka dufan badan yahay kan ragga; dumarka ciyaalka dhalay iyo kuwa dhalma gooyay way ka dufan badan yihiin kuwa aan weli dhalin) iyo hormoonno iyo hiddo-sideyaal (dhaxal) cayilka ku lug leh.

Maxaa xal ah?

Daraasaddu waxay soo jeedineysaa tallaabooyin dhowr ah oo aad ku yareyn karto dufanka jirkaaga ee dheeriga ah gaar ahaan kan caloosha saaran.

Soco. Jimicsigu wuxuu yareyn karaa xeyrta gaar ahaan xalusta. Qasab ma aha, haddii aadan waqti u hayn, in aad ku biirto jiim (gym) oo aad si joogta ah u jimicsato. Waxaa kugu filnaan karta 30 daqiiqo oo socod ah maalin walba. Jimicsiga ugu fiican ee xeyrta lagu gubo waa nooca loo yaqaan cardio. Tusaale ahaan: socod, ruclo, xarig ka bood, baaskiil wadid iwm.

Cunno dheellitiran. Cun oomati laga wada helayo dheefaha kala duwan sida borotiin, karboohaydareet, dufan, macaadin iyo fitimiinno. Daraasad ay Jaamacadda Alabama sameysay waxaa lagu ogaaday in dumarka quuta kaalsiyam badan ay ku yar tahay xeyrta caloosha. Ilaha kaalsiyamka waxaa ka mid ah: caano, yogarti, farmaajo, qudaarta cagaaran, cuntooyinka badda laga helo iyo miraha (faakiho).

Sigaar ha cabbin. Sigaarku wuxuu sababaa in jirkaagu xeyr badan ku keydiyo calooshaada.

Si fiican u hurud. Daraasad shan sano socotay ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka qaangaarka ah ee 40 ka yar ee hurday 5 saacadood ama ka yar habeenkii ay xeyr badan ku yeesheen calooshooda.

Walaaca iska yaree. Waxaa la ogaaday in isku buuqu uu ka mid yahay waxyaalaha sababa xeyrta badan ee caloosha ku raranta. Marka aad walaacdo, qanjirrada kelyaha kul dul yaal ee adrenal loo yaqaan waxay soo daayaan hormoonka cortisol oo asna sababa dufan badan oo caloosha fuula. Tallaabada koowaad oo aad walaaca isaga yareyn karto waa adiga oo garta isha walbahaarka dabadeedna aad yareyso waxa qulubka kuugu wacan ama aad baabbi’iso, haddiiba ay suurtogal tahay.

Warka oo kooban wuxuu yahay cuntadaadu ha isu dheellitirnaato, dhaqdhaqaaqaagu ha badnaado (fadhigaagu ha yaraado), hurdo kugu filan hurud walaacana iska yaree haddii aadan EBER gaarsiin karin.

W/Q: Shaakir Maxamed Cabdullaahi

shakirma.blogspot.com

Check Also

Liin Dhanaanta Oo Dawo Ka Ah Buurnida Iyo Xanuunada Laga Qaado

Liin dhanaanta iyo liin-macaanta oo can ku ah faytamiin C-ga, loona adeegsado in la isaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *