Maxaad u soo Taagnayd?

Maxaad u soo Taagnayd?

  1. Been badan iyo Balan furyo ayaad la kulantay, waa ka soo gudubtay
  2. Safaro halis ah ayaad gashay, waad ka soo gudubtay
  3. Dabin & shirqool ayaa laguu dhigay, waad ka soo gudubtay
  4. Aad baad u xanuunsatay, waad ka soo caafimaaday
  5. Qalbi-jab ayaa kugu dhacay, waad ka soo gudubtay
  6. Faqri iyo jeeb marnaan ayaa ku helay, waad ka soo gudubtay
  7. Waa lagu diiday, waa lagaa hor yimi, waad ka soo gudubtay
  8. Saaxiibo aad aamintay ayaa ku qiyaamay, waad ka soo gudubtay
  9. Waxaa la inkiray wanaagaaga, waxaa la buun-buuniyay hal qalad aad sameysay, waad ka soo gudubtay
  10. Habeeno badan ayaad ooyaysay, waad ka soo gudubtay
  11. Waxaad soo aragtay dagaalo, qabyaalad, naceyb, waad ka soo gudubtay
  12. Waxaa la isku dayay in lagu fadeexadeeyo, waa ka soo gudubtay
  13. Waxaad waqti badan ku lumisay madadaalo & maaweelo aan micno lahayn, waad ka soo gudubtay
  14. Waxaa aragtay dad badan oo shaki gelinaya kartidaada & tayadaada, waa ka soo gudubtay

Wax kasta waxay u dhacaan sabab, Waxa aad u soo taagnayd ama soo martay waxay lahaayeen ujeedo cad; in aad cashar ka barato, in aad ka hesho waaya aragnimo, ka dib aad naftaada iyo noloshaada ku dabaqdo.

Alle SWT wuu kuu gargaaray, waxaa kugu dhici karay wax ka sii daran laakiin Alle wuxuu ku siiyay fursad weyn. Haddaba, ka faa’iideyso, samee isbedel dhab ah, ha ku dheeraan eegida gadaal, ha iska taagnaan xaalka aad hada ku sugan tahay, ka leexo dariiqa qaladka ah, horay ugu soco wadada saxda ah

Mahadsanidiin

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *