Muxuu Taraa Geedka Basil (Reexaanta)?

ReexaantaWaa maxay Basil (reexaanta)?

Waa geed yar oo ka mid ah geedaha loo isticmaalo cunto kariska, caafimaadka iyo waliba quruxinta. Waxa uu u baxa sida kamsar caleenta oo kale. Waxa aad heli kartaa isagoo la qalajiyey oo xawaash oo kale laga dhigay iyo isga oo qoyan oo fresh ah iyo waliba isaga oo waxyaabo badan laga sameeyey sida saliid iwm oo kaa caawinaya wax badan caafimaadkaaga.

Haddaba maxaa faaiido ah oo ku jira geedkan basil?

Waxaa kujira walxo yar ama maado ka mid ah maadooyinka caafimaadka ka qayb qaata kuwa uugu muhiimsana waa (Most importantly estragol (metylavikol), eugenol, linalol and linylacetat. Other ingredients include tannins, monoterpenes (which cineol, ocimene, garaniol and camfor), sesquiterpenes, phenylpropane (which metylcinnamat), beta-carotene and vitamin C).

Haddaba isticmaalka geedkani waxa uu ka qayb qaadanayaa ladagaalanka ama ka hortaga xanuunadan:

1- Jidhaka ayuu diirimaadkiisa dhawraa
2- Waxa uu istaajiyaa kabuubyada iyo murqo istaaga
3- Waxa uu kalyaha iyo kaadimareenada ku caawiyaa inay kaadidu sifiican jidhaka uuga baxdo.
4- Waxa uu jidhka ka soo saara malaxda iyo balqanka khaasatan xiliga hargabka
5- Dhididka jidhka ayuu xoojiyaa si wasakhdu jidhka uuga baxdo
6- Waxa uu ka qayb qaataa kobcinta amateetka ( rabitaanka cuntada)
7- Waxa uu saxaa horay socodka dheefshiida iyo ciladaha ku imaada, sida gaaska caloosha iyo istaaga saxarada.
8- Waxa uu ka qayb qaataa nadiifinta dhiiga
9- Naaska ayuu badiyaa caanihiisa
10- Caadada haweenka ayuu saxa oo uu waliba keenaa
11- Xumada ayuu jabiyaa
12- Garaaca ama kaarka ayuu jabiyaa
13- Sunta ayuu jidhka ka saaraa
14- Waxayaabaha kale ee u geedkan basilku kaa caawinkaro waxaa ka mid ah
– La dagaalanka jeermiska
– La dagaalanka bakteeriyada
– Xasharaadka ayuu ka ilaaliyaa inuu jidhkaaga dul fadhiisto
– Wuxuu ka sari karaa xiidmaha gooryaanka iwm
Basil waxaka kale uu ku fiican yahay waxaa ka mid ah:
– Dajinta neerfaha
– Dajinta ama xanuunada maskaxda
– Kobcinta hamiga qofka
Isku duudub waxaad isticaamli karta ama aad kaga horatagi kartaa basil arrimahan hoos ku qoran markay kula gudboonaadaan oo dhan:
– Ciladaha dheefshiida
Calool xanuunka
– Gaaska midhicirka
– Ciladaha xiidmaha / midhicirka
– Calool istaaga
– Lalabada / yulaalugada
– Mataga
– Burooyinka
– Nabarada
– Cuncunka
– Infakshanada maqaarka
– Fayada
– Xumadda la xidhiidhta hargabka
– Qufaca
– Xiiqda-dheerta
– Cuna xanuunka (xiliga hargabka)
Urta afka ( bukhuurka afka ee qadhmuun)
– Xanuunka laabatooyinka
– Romatisamka
– Dhibaatooyinka kaadi mareenka
– Madax xanuunka
– Xanuunka dhanjafka
– Murugada (Depression)
Hurdo la’aanta
– Neerfiska
– Qaniinyada cayayaanka
Dhamaan xanuunadan ama ciladaha aan kor ku doo dhignay oo dhan waa waxyaabo ay kaa caawinayo geedkan yar ee basilka.

Haddaba sidee baa loo isticmaalayaa?
– Waxaad markeeda hore soo iibsankartaa iyadoo saliid ah, fresh ah iyo iyadoo qalalan intaba.
– Waxaad ku darsankartaa cuntada aad cunaysid.
– Waxaad ka samaysan kartaa Pesto oo laga sameeyo suugada baastada
– Waxaa ka samaysan kartaa salaad marka ay fresh tahay ama cuntada kudartso
– Waxaad ka karsankartaa shaah

1- Haddii aad rabtid tusaale ahaan xiliga xagaaga inuusan ku qaniinin xasharaad ama cuncunka inaad ka hortagtid waxaad jidhkaaga ku xoqi kartaa caleemaha fresh ka ah ee basilka. Waxaad samayn kartaa oo kale inaad isku tuntid caleenta geedkan oo aad jidhka u saartid sidii xinaha ama qasilka ilaa 15-20 way kaa kala yaraynaysaa cuncunka.

2- Haddii aad rabtid in ciladaha si xumada ama garaaca iwm ku hayaan waxaad sidoo kale isticmaali kartaa saliida basilka taas oo inta badan laga helo tukaanada alaabta dabeeciga iibsha.

3- Marka aad rabtid inaad cuntada ku darsatid waxaad ku daraysaa marka cuntadu kuu bislaato cuntada dusheeda si uusan dabku uuga dilin anfacaadeeda. Tani waxay kaa caawinaysaa waxyaabaha la xidhiidha caloodha iyo dheefshiida een korkusoo dhignay.

4- Haddii aan rabtid inaad ku dawaysid afka uraya, waxaad calashanaysaa caleemaha oo toos ah iyo waliba shaaheedana waad cabaysaa.

5- Habka shaaha looga karsanayana waa sidatan. Biyo karkari oo dabka ka soo dhiga kadib malqaacad basil ka oo la qalajiyey ku dar oo isku daa 2-3 min ha isku milmaan.Waxaad cabaysa bilaa sonkor calooshada oo baahan si shaahani uusan ironta cuntada kaaga dilin.

Haddaba yaa isticmaali kara geedka?

1- Qofka leh xanuunka macaanka ma isticmaali karo isaga oon talo dhakhtarkiisa ka qaadan
2- Haweenayda uurka leh
3- Qofka xanuunka suuxdinta leh
4- Carruurta yaryar waxaa laga yaaba inay xasaasiyad ku leeyihiin ee ka fiirso.
5- Iyo waliba qofkasta oo xanuun qaba waa inuu dhakhtarkiisa kala tashadaa, intuu ka isticmaali karo iyo siduu u isticmaali karaba.

Ogow caafimaadkaagu wuxuu ku jiraa gacanta Allah, markeeda labaadna gacantaada ee ka fiirso intaanad falin oo dhakhtarkaaga wax walba kala tasho.

Saamiyah

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *