Maxaad ka Taqaanaa Madhalaysnimada (Infertility)

Hordhac

Haweenaydu inta ay wax dhali kartaa waxay ka bilaabantaa maalinta ay qaan gaadho (puberty) oo ah 11-13 jirka ilaa inta ay ka noqoneyso cisogoys (menopause).

Gabadhu waxay qaan-gaadaa iyadoo haysata 400 oo ugxana (egg), waxaanay inta badan ku dhamaataa mudo 30-35 sano ah waana sababta dumarku marka ay gaadhaan 45-50 sano ay haweenku u noqdaan ciso-goys (menopause).

Waxa la xaqiijiyay oo la isku raacay in dhalmada haweenaydu (uur qaado) ay ugu sarayso inta da,deedu tahay 20 ilaa 30ka sano, xaga raggana la xaqiijiyay in xiliga dhalmadiisa ay ugu jaanis badan tahay inta u dhaxaysa 25-40ka sano.

Maladhalaysnimada waa xaalad caafimaad daro oo aanay gabadhu ilma qaadi karayn ama ugxanta ragga iyo dumarku aanay shaqaynayn. Waa xaalad aan ubad la helayn mudo lagu qiyaasay sanad ilaa laba sano tiiyoo lamaanuhu wada joogo, aanay jirina sababo la yaqaano oo aanay haweenaydu uur ku qaadi Karin sida in ay naas-nuujin samaynaysay ama uu khalkhalay dhiiga caadadu.

Qiyaasta Xanuunka

Waxa lagu qiyaasaa raga qaba dhibaatadan in ay celcelis yihiin 20 ilaa 30 boqolkiiba xaga dumarkuna lagu qiyaaso 20 ilaa 35 boqolkiiba. Marka la isku daro raga iyo haweenkaba inta xanuunka madhalaysnimada (infertility) ka cabata dunida waxa lagu qiyaasaa 25-45 boqolkiiba.

Sababaha Xanuunka Keena

Waxyaalaha sababa wey ku kala duwan yihiin raga iyo dumarku, raga oo kale waxa sababa biyaha (sperm) oo dhintay inkabadan boqolkiiba 50 ama caabuq (infection) ku dhacaya xubnaha taranka ee ninka, xaraarada xiniinta (temperature)  ninka oo aad u sareysa oo inta badan ay sababaan balwadaha sida qaadka oo kale.

Dumarka waxa ugu badani waa ugxanta Dumarka oo aan shaqaynayn ama caabuq ku dhacay xubnaha taranka ee haweenka, waxa kaloo dhici karta in haweenayda ay xidhan yihiin dhuunta mani mareenka ama halka ay ka dhacdo isutaga biyaha labada qof (fallopian tube), waxa kale oo sababi kari in buro ama fiix haweenaydu ku leedahay rimayga (makaanka) ama dheecaanka caanaha sameeya uu bata (prolactin).

Yaa Khatar ugu Jira Madhalaysnimada

Xanuunka madhalaysnimada waxa khatar ugu jira qof kasta oo miisaankiisu sareeyo, balwadaha isticmaala sida qaadka iyo mukhaadaarada kale ee la isticmaalo iyo qof kasta oo leh Xanuunada galmada lagu kala qaado sida xabada iyo waraabawga (syphilis, gonorhhoe).

Baadhitaanada xanuunka

Marka la baadhayo xanuunka madhalaysnimada waxa fudud oo hore loo ogaan karaa waa ta raga ku dhacda, waxaana ugu fudud ee la sameeyaa in la baadho biyaha (sperm) ninka in ay boqolkiiba 50 nool yihiin, in ay leeyihiin madax iyo dabo (Head & Tail) iyo in tirada ku jirta halkii milliliter (ml) ee biyaha ninka (semen) ay gaadhayso 20million, cabirka PH kuna yahay 7.2.

Marka dumarka la baadhayo waxa ugu muhiimsan in laga eego waxyaalaha ku sababi kara xanuunkan sida caabuqa ku dhaca xubnaha taranka, burooyin ka soo baxa haweenayda, dheecamada sida (estrogen, progesterone, prolactin) oo marna bata marna aad u yaraada, iyo ugxanta dumarku soo saaraan oo la eego in ay qaangaadh yihiin iyo inkale.

Talo Caafimaad

  • In dhakhtar ay la xidhiidhaan labada qof ee wada joogaa Haddii ay ubad isku yeelan waayaan hal ilaa laba sano marka laga soo tiriyo xiligii ay is mehersadeen.
  • In baadhitaan rasmiya loo sameeyo lamaanaha si loo ogaado halka xanuunkan madhalaysnimadu ka imanayo
  • In lamaanuhu cuntada ugu badan ee ay qaataan ka dhigaan cuntooyinka sida beedka, biyaha, cuntooyinka cagaaran, iyo kaluunka.
  • In lamaanuhu ay  iska ilaalinayaa cuntooyinka acid ah sida kofeega (coffee), qaadka iyo khamriga.
  • In laga daweeyo lamaanahu Haddii ay leeyihiin Xanuunada galmada lagu kala qaado
  • In dumarka oo kale la siiyo dawooyin kor u soo qaadaya dheecamada jidhku soo deynayo sida estrogen iyo progesteroneka.
  • Marar badan wax loo baahdaa in dawooyin la siiyo haweenayda sida Clomiphene citrate 50-300mg shan cisho ilaa 14 cisho, Metformin ilaa todobba cisho.
  • Waxa laga yaabaa in xaalada wax lagaga qaban karo qaliin lagu sameeyo xubnaha taranka ee raga iyo haweenkaba Haddii ay ku fashilmaan waxqabadkooda.

WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan

Check Also

Ahmiyadda Ay Leedahay In La Joogteeyo Cunista Beedka (Ukunta) & Xilliyada Ku Habboon

Dad badan ayaa isweydiiya beedka iyo muhiimadda caafimaad ama khatarta uu keeni karo, waxa kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *