Ahmiyadda Ay Leedahay Macdanta Magnesium Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara Haddii Ay Jidhka Ka Maqantahay!

Macdanta magnesium, nafaqada jidhkaAsalaamu Calaykum Waraxamatullahi wabarakatuh.
Bismillah walxamdulilah wasalaatu wasalaam calaa Rasuul Allah scw.

Waxaan rabat maanta inaan idin la wadaago Maadada Magnesium oo ah nooc ka mid ah minerals.

Magnesium waa nooc ka mid ah minerals yada muhiimka ah ee uu jidhku u baahan yahay. Waxay ka mid tahay anti-inflammatory minerals oo ka hortaga cuduro aad u fara badan. Magnesium waxa ay ka mid tahay qaar ka mid ah in ka badan 300 metabolic processes. Metabolic processes oo runtii ah erey bixinta guud ee habka kiimikada jidhku ay uugu badasho sida hawadda, cuntada iyo waxyaabaha kale ee nafaqooyinka anfacaad jidhku uu ku shaqeeyo.

Haddaba halkan waxaan ku soo gudbin doonaa inshaAllah :

– Waayo bay muhiim u tahay qaadashada magnesium?
– Sida lagu garto inay magnesium kaagu dhacsan tahay ama kaa maqan tahay
– Maxay magnesium ka oo jidhka ka maqani ku keeni kartaa jidhka?
– Ilaha kala duwan ee laga helo magnesium ka

Maxay muhiim u tahay in ay magnisium jidhkaaga ka maqnaanin?

Magnesium waxay muhiim uugu tahay lafaha sida calsium ka muhiim uugu yahay lafaha. Waxyaabo badani waxay tilmaamayaan dadka ay ka yartahay magnesium ka inay u soo dhuuman karaan sida xanuunada (osteoporosis) oo ku dhaca lafaha iwm. Magnesium ka waxay la shaqaysaa unug kasta oo jidhka ka mid ah, waxay ka hortagtaa cuduru ama cilado ay ka mid yihiin:

– Osteoporosis
– Kabuubyada
– Awood la´aanta
– Calool istaaga
– Madax xanuunka
– Migrenes ka ( Nooc ka mid ah madaxnaanada daran)
– Dhiig karka
– Xanuunka macaanka (Diabets)
– Alzheimer´s
– Rheumatism
– Cudurada ku dhaca hawo mareenka ( respiratory problems)

Ku waasi waa kuwo ka mid ah ciladaha ama xanuunada ay keeni karto magnesium la´aanta.

Magnesium tu waxay sidaa darteed muhiim u tahay metabolic processes ka jidhka. Kuwaas oo ka qayb qaadanaya in murqaha, neerfeyaasha iyo dhaqdhaqaaqa, difaaca jidhka iyo in lafuhu ay u dhibaatoonin, cuduradana ay iskaga difaaci karaan.

Cilmi baadhis caafimaad iyo culimada cilmi baadhe caafimaadku waxa ay tilmaamayaan in ay tahay magnesiumtu shay uusan jidhku ka maarmin, muhiimna tahay in jidhka lagu kaalmeeyo.

Sideen ku garan karaa inay magnesium iga maqan tahay?

Markeeda hore waxaa fiican in aanad adigu is xukumin, talo qof ka timdina aanad ku dhaqaaqin. Wax walba waxaa ka fiican inaad dhakhtarkaaga la xidhiidhid oo aa dhiig iska soo qaadid. Dhiigaas oo lagu ogaan karo waxkasta oo jidhkaaga ka maqan ama ku saa´id ah. Kabacdi ayaad ku dhaqaaqi kartaa talada dhakhtarka iyo wixii kale ee uu cufi kara een wax dhib ah kuu keenayn.

Hadda astaamahani waa waxyaabo lagu garan karo inay magnesium kaa dhacsan tahay ama kaa maqan tahay, balse waxay noqon karaan astaamahani astaamo cilad ama cudur kale ee mar walba dhakhtarkaaga ka xaqiiji.

Marka ay kaa dhacsan tahay waxa aad ku garan kartaa:
– Daal iyo caajis
– Madax xanuun badan
– Kabuubyo iyo daal xaga murqaha ah, khaasatan cagaha iyo kubabka
– Dhagdhaqaada wadnaha oonan ahayn sidii hore ee caadiga ahayd
– Difaaca jidhka oo dhaca
– Yulaalugo / lalabo

Marka ay aad kaaga dhacsan tahay waxa aad ku garan kartaa:

– Kabuubyada murqaha oo badata
– Dabeecada oo ka badalanta ( xanaaqbadan, emotional feelings iwm)
– Lafaha oo daciifa oo u dhawaada xadka xanuunka osteoporosis
– Sonkorta jidhka oo kacda oo u dhawaada xadka Diabetska
– Dhiiga oo kaca oo u dhawaada xadka dhiigkarka
– Gariir
– Liqitaanka cuntada oo adkaada
– Xasuusta oo xumaata
– Calsium ka jidhka oo hoos u dhaca

Kuwaasi waa calaamadaha kala duwan ee lagu garan karo inay magnesium kaa maqan tahay waxyna noqon karaan calaamadaha cilad ama cudur kale. Magnesium ta oo jidhka ka maqani waxaas oo cilad ah bay keeni kartaa ee ka hortag samee inshaAllah.

Ilaha kala duwan ee aad ka heli kartid magnesium ta:

Markeeda koobaad waa inaad talada dhakhtarka qaadataa. Qiyaasta aad u baahan tahay marka ay tahay iyadoo kiniin ah waa :

• Carruurta
• 1-2 sano jir : 85 mg
• 2-5 sano: jir 120 mg
• 6-9 sano jir : 200 mg

• Ragga

• 10-13 sano jir: 280 mg

• Ka wayn 14 sano jir : 350 mg

• Haweenka

• Ka wayn 10 sano jir : 280 mg
• Haweenka uurka leh ama ilmo naas nuujinaya
Xaamilada : 280 mg
Naasnuujiyaha : 280 mg

Qiyaastaasi waa qiyaasta maalintii ku filan dadka iyo dada kala duwan oo xagga kiniinka ah. Balse kiniin ha iska qaadan adoon dhakhtar kugula talin.

Xagga dabayciga am cuntada waxaad ka heli kartaa cuntooyinkan hoos ku qoran sida :

– Bocorka akhtarka ah
– Midhaha gabaldayaha
– Midhaha geedka soya
– Digirta madow
– Lawska Cashews ka loo yaqaan
– Lawska Almond ka
– Spinach
– Dubaha oo looyaqaan Pumpkin
– Midhaha sisinta ama macsarada
– Baamiyaha
– Boorashka
– Muuska
– Beans yada kala duwan iyo missirada kala duwan
– Xumusta ama shumburada
– Dark chocolate
– Tamaadka cadceeda lagu qalajiyey
– Waxyaabah caana laga sameeyo ee calsium ku badan yahay
– Hadhuudh ama qamadiga madow (wholegrain)
– Sea food
– Kaluunka
– Chia Seeds
– Avocado
– Kaluumada subaga badan
– Beries yada kala duwan
– Xabxabyada kala duwan
– Rumaanka

Dhamaan cuntooyikaas oo dhan iyo qaar kale oo badan waa waxyaabaha laga helo magnesium ka oo larab inayna ka maqnaanin cuntadaada. InshaAllah dadaal oo Rabbi sxw talao saaro, waad bogsan waanad gaadhi halka aad rabtid haddii uu Rabbi kuu qadaro.

Halkan kala soco inshaAllah dhamaan vitaminada iyo minrals yada uu jidhku u baahan yahay.

BaarkaAllahufiikum

-Saamiyah

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *