Maxaad ka taqaannaa Noocyada Xasaasiyadda? W/Q: Siciid Xagaa Afrax

noocyada xasaasiyadda xasaasiyadElerjigu waa dareen diidmo oo xasaasiyadeed dhaca marka habka difaaca jidhka ay soo weeraraan wax caadi  ahaan  xad-dhaaf ku ah amma halis ku ah, sida cuntada, qanniinyada shinnida , ama dawooyinka, waana wax aad u badan, sidaa daraadeed waxa muhiim ah in la awooddi karo in la aqoonsado calaamadaha sababa xasaasiyadda.
Haddaba, Maqaalkani waxa uu ku bari doonaa sida loo garto xaasaasiyadda qaarkood.

1- Aqoonso calaamadaha falcelinta fudud ee xasaasiyadda

Furruuruc cun cun leh:  waa kuwo midab ahaan casaan ama guduud ah, waxanay  ka soo baxaan dusha sare ee maqaarka aad ayey u cun-cunaan. Inkasta oo ay jidhka oo dhan ka soo bixi karaan, haddana waxay inta badan ka soo baxaan wejiga iyo xabadka (laabta). sidoo klae, Indhuhu way cun-cunaan, sanka dareere ayuu keenaa iyo finan yar yar.

2- Aqoonso calaamdaha dhexdhexaadka ah iyo ficil celinta xasaasiyadda darran.

  • Bararka gacmaha , cagaha , dibnaha , wajiga  ama cunaha – ” . Gocato ” Marka taasi ku lug leedahay, weji iyo cune , waxa sidoo kale loo yaqaan Tani. Waxa ay calaamad u tahay khatar badan, sababtoo ah waxa ay faragalin ku samayn kartaa neefsashada .
  • Yulaalugo ( Lalabo ) ,matag , shuban , ama xannuun ubucda (uur-ku-jirta) – Matagga iyo shubanka oo mar walba khatar noqon kara iyo sabab  khatarta  fuuq baxa.
  • Neefsashada oo dhib ah , hin-raagid , ama adkaanta xabadka.
  • Cunaha oo ku adkaada sida in ay timaaddo Xabeeb iyo liqidda oo ku dhibta.
  • Walaac darran iyo jidhka oo ku damqada.
  • Xannuun kaaga yimaada meelaha qaar sida finan qoyaan wata oo ka soo baxa afka, indhaha , laalaabatooyinka iyo meelaha hoose.

Sidoo kale, waxay dhakhaatiirtu sheegeen in astaamaha xasaasiyadda qaar ay yihiin  falcelin darran oo  loo yaqaan ” anaphylaxis”  waa nooc sida (Shock)  lama filaan oo kale ah , taasoo la micno ah in uu jidhka uusan soo gaadhsiin dhiig ku filan dhammaan xubnaha . Anaphylaxis wuxuu sababa hoos-u-dhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga , waxaana abuurma dareen ah dawakhaad , Calaamadaha ugu badan waxay kala yihiin furuuruc cun-cun iyo barar .

3-Aqoonso caddaan darran oo ku lug leh maqaarka .

Tani waa xaalad cudur oo haragga dhif ku ah, laakiin khatar ku ah nafta, taasoo lakabka sare ee maqaarka ( epidermis-ka loo yaqaan ) wuxuuna kala Soocaa lakabka ugu hooseeyey ee maqaarka oo la yiraahdo ( dermis ). Maqaarka wuu laabanayaa, midab ahaan wuu isbadalayaa sida Casaan (guduud ama madow xigeen waxaa bilaabma inuu diirka ka fiiqmo dabadeedna waxaa sameysma boogo ama finan waxayna ku sameysmi  karaan afka , carrabka , ama gobolka taranka ama dabada. Calaamadaha kale waxaa ka mid ah  SJS, laakiin waa qaar sii darran maxaa yeelay waxa ay ku lug leedahay aag weyn ee jidhka ah sida:
Qandho ( xumad ) aad u darran, taasoo heer-kulka jidhku gaadho (102F ama 39C ).
Astaamaha Durayga ( hargabka ) oo kale (qandho ,dhuun-xannuun , qufac ) Gubasho ama cun-cun indhaha.

4-Aqoonso dareen-celin dib u xasaasiyad .

Falcelinta raagta waa mid badan, gaar ahaan dhowr saacadood ama maalmood ka dib markii la bilaabo dawo cusub . Waxay caadi ahaan ku lugyeelataa  finan ballaaran oo dhinaca maqaarka lagana yaabo in cun-cun uu yimaaddo. Tani ma aha falcelin khatar ah oo markiiba waa laga hortagi karaa tusaale waxaa la joojin karaa dawada.

TALLO:

Haddii aad isku aragto mid ka mid ah calaamadaha aan soo sheegay , isku day si aad u tilmaantid waxa kuu keenay . Ka fikir meel kasta oo isbaddal ah ee cuntadaada , ka feker maxaad ku qubeysatay oo saabuun ah ma mid kugu cusub baa? Wax dawo ah ma qaadatay sida kaniin ? Ma jiraan wax deegaanka ku soo kordhay sida sun la buufiyay ama waxyaabo kale ?  Intaa iyo in kaloo badan oo aad ogaatay waxa ay kaa caawin doontaa in aad dhakhtar ula timaado waxeyna kuu sahleysaa qorshe wanaagsan ee daaweynta ah.

DIGINIIN

Qaar ka mid ah xasaasiyadda waxay kiciyaan waxyaabo kale oo  nafta halis ku noqon kara , markaa waa in mar walba aad wacdaa Adeegyada Degdegga ah haddii aad qabto xasaasiyad jidhka ah ama barar Intaa waxaa dheer in neefsashada oo ku dhibta , fadlan ha isku dayin in aad jeebkaada iska daweyso adigoon dhaqtar la tashan .

Ma ahi dhaqtar ,ma ahi kalkaaliye umana nasab sheegto cilmiga caafimaadka, hase yeeshee golaha aan ka midka ahay ee saxaafadda oo aan ku shaqeeyo waxey tilmaameysaa in weriyaha uu xil ka saaran yahay ummadidisa lagana doonayo in wixii bulshada waxtar u leh uu u soo gudbiyo. Ma hubo in boqolkiiba boqol sax yihiin, waxaanse dadka ehelka u ah caafimaadka ugu cudur daaranayaa haddii ay arkaan khalad dhinaca cilmiga caafimaadka iyo qoraalkaba in dadaalka uun uu iga keenay in aan tarjumo maqaallkan oo aan u arkay mid muhiim ah waxaana soo dhaweynayaa wax alle wixii talo toosin iyo tusaale ahba.

SICIID XAGAA AFRAX

Email: SXAGAA@HOTMAIL.COM

Source: http://www.umm.edu, http://www.medikidz.com

Check Also

Toddoba Cunto Oo Kordhinaya Awoodda Iyo Xusuusta Maskaxdaada

Cuntooyinka Kordhinaya Awooda Maskaxdaada ! waxay dhamaanteen ognahay in cunista cunto caafimaad qabtaa ay muhiim …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *