Qiimaha Caafimaad Ee Cunista Koostada

Faaidooyinka Koostada, koosto, cunista koostadaKoostadu waa caleen cagaaran oo aad looga isticmaalaa meelo badan oo dunida ka mid ah, siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa sida in cunto ahaan loo karsado ama cabbitaan loo shiito.

Koosto spinach

Nafaqada Koostada:

Koostada waa khudaar ay ka buuxaan maadooyin jirka waxtar u leh waxaana ka mid ah Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, B2, manganese, Birta (iron), Magnesium, Potassium, Copper iyo calcium.

  • Koostada waxaa aad ugu badan maadada jirka sunta ka saarto ee loo yaqaan Antioxidants, waxaa kaloo ku jiro maadada Folate taasoo la rumaysay yahay in ay faa’iido caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.
  • Dadka dhiig karka qaba waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cunista koostada sababtoo ah waxaa ku jira maadooyinka magnesium iyo potassium oo ka qeyb qaata kantaroolidda cadaadiska dhigga.
  • Koostada waxaa kaloo ku badan maadooyin la dhaho beta-carotene, lutein iyo xanthen oo indhaha faaido ugu jirto kuwaas oo siyaadiyo awoodda aragga indhaha.
  • Cilmbi baaris dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in koostadu in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.
  • Nafaqooyinka muhiimka ah ee koostada ku jira sida Vitamin B, C, E, potassium, magnesium, iron, calcium iyo omega3 waxay u fiican yihiin caafimaadka timaha. Tusaale ahaan birtu (iron) waxa ay caawisaa in ogsajiinta dhiiggu ay gaarto timaha, isku darna waxa ay maaddooyinkani timaha u soo celiyaan quruxda, iyo bixitaanka dabiiciga ah.
  • Koostada waxaa laga helaa fitamiin “K”  oo jirka ka caawiya inuu nuugo macdanta calcium taas oo muhiim ah caafimaadka lafaha. Fitamiin K oo jirka ku yaraada waxay keeni kartaa jajabka lafaha.

Ugu Dambeyntii koostadu waxay u wanaagsan tahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *