Maxaad Ka Taqaan Lawska Walnut Iyo Caafimaadka Ku Jira

Natiijooyin daraasaddo Maraykan ayaa sheegtay in cunista midhaha lawska qaybta loo yaqaano (Walnut) maalin kaste laga yaabo in aad kaga kaaftoonto in aad u tagto dhakhtar ugu yaraan kuwa u nugul cudurka macaanka.

Markii ay quuteen 56 gram ama 14 xabadood oo midhahan ah maalin kasta muddo 6 bilood ah waxa wanaagsanaaday hawl qabadka xididdada dhiig mareenadooda,waxana hoos u dhacay heerka(Cholesterol ka LDL) ee ah baroorta xun ee ( lipoprotein) oo ah cufnaanta hooseeysa ee ku ururta halbowleyaasha dhiig mareenada oo keeni karta xanuunka kidiska ah ee ku dhaca maskaxda ee keena in ay curyaamaan xubno kamid ah jidhka iyo cudurada wadnaha.

Xumaanshaha hawl qabadka xididdada dhiig mareenadooda iyo kor u kaca heerka(Cholesterol ka LDL) ee ah baroorta xun ee ( lipoprotein) oo ah cufnaanta hooseeysa ee ku ururta halbowleyaasha dhiig mareenada,waa arrimaha halista ah ee keena cudurka macaanka nooca 2aad ee la xidhiidha buurnida iyo da’da waynaanaysa,waxana ay sameysantaa marka jidhku uu awoodi kari waayo in uu sameeyo ama uu soo saaro hormon ka insulin ta tiro ku filan.

Midhaha lawska nooca loo yaqaano walnut ka waxa ay hodan ku yihiin acid ka dufanka leh ee folic acid iyo vitamin “E”, iskumana xidhin daraasadani korodhka miisaanka inkaste oo midhahani ay yihiin kuwo mid kamid ka ah cuntooyin ka calories-ka sare leh,

David Katz oo ah kormeeraha daraasadan ee xarunta daraasadaha ka hortagga ee jaamacada Yale University ee Derby ee gobolka Connecticut ayaa yidhi’’ ku darsashada midhahan ee liiska cuntadaada waxa ay wanaajinaysaa tayada cuntada iyo caafimaadka wadnaha iyo xididada dhiig mareenada, waanad ku darsan kartaa siyaado adiga oo aanan ka cabsi qabin korodhka miisaankaaga.

Katz iyo kooxdiisa cilmi-baadhayaalka ah ayaa sheegay in aynan u muuqan in midhahan ay daweeyaan cadaadiska dhiigga ee sareeya iyo heerka sonkorta dhiigga ee sareeya, oo ah laba ka mid ah sababaha halista ee haleelitaanka cudurka macaanka.

Daraasadan ayaa waxa ka qayb qaatey 31 rag ah iyo 81 haween ah, kuwaas oo in badan oo kamid ah u nugulaa cudurka macaanka, waxana loo xilsaaray kooxdan in ay dhimaan calories ka cuntadooda.

Waxa loo xilsaarey koox isku badhxan in ay cunaaan midhahan mudo ah bilood oo ku celcelis ah arrinkaas iyaka iyo kooxaha kale oo is badbadalya.

Ka qaybgalayaashan ayaa waxa da’doodu ay u dhaxaysay 25 ilaa 75 jir kuwaasoo badhkood ay lahaayeen sababaha keena halista haleelitaanka cudurka macaanka sida miisaanka dheeraadka ah, heerka sonkorta dhiigga ee sareeya, cadaadis dhiig ee sareeya ama heerka baruurta cholesterol ka ama jiritaanka baruur meelo kamid ah jidhkooda.

Daraasadan ayaa soo bandhigtay tixgelinta arrimo kale, oo ay ku jiraan da’da iyo caadooyinka jimicsiga iyo isticmaalka calories ka, acidka dufanka leh,waxana cadaatey in midhahan lowsku ay noqdeen in ay waxtar u leyihiin tayada cuntada.

Daraasadan ayaa waxa  maalgeliyey guddi gaar ah oo u qaabilsan midhahan nuucan oo kale ah ama dalagga oo ka jira California.
Xigasho: Reuters

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *