Maxaad Ka Taqaan Cudurka Daafka Indhaha?

daafkaWaa Maxay Cudurka DAAFKA ( indho Gaduudasho )?
CUDURKA DAAFKA waxaa Sababo inta badan bakteeriyo sidoo kale waxaa Sababo fayras, alleerjiyo wax ka samaysan kiimiko indhaha gasho sida saabuun ama shaambo. Daafku wuxuu u badan yahay caruurta

Astaamaha lagu garto ( signs and Symptoms ) ???

  • Gaduudasho.
  • Cun Cun (irritation).
  • Xanuun.
  • dheecaan isha ka yimaado oo ku xiran Sababta

Sidee buu ku Faafaa (spread ) ???

  • Hadii aad taabatid dheecaan ka yimiday ISHA ama Candhuufta qofka Isha Gaduudan
  • LENS ka ay Dumarka indhaha ku quruxsadaan ( Contact Lens )
  • Dadka difaacoodu aadka u hooseeyo
  • Caruurta aadka u yar yar

Meeqay Qaadaneeysaa inaad ku jiratid marka lagu qaadsiiyo ( incubation Periods ) ???

Caadi ahaan 1 – 10 maalmood ( waxey ku xirantahay sababta kentay )

Muddada la is qaadsiin karo ???

  • Ilaa uu infekshanka si buuxo uga dhammaado.
  • Ha imaanin Rugta xanaanada ilmaha
  • Haddaad cunuggaaga ku aragtid indho gaduudan oo leh malax/dheecaan, xumad, indho-xanuun iftiinka oo dhibo ama baalasha oo gaduuto, ilaa cunuggagu ka arko daryeele caafimaad iyo ilaa 24 saac kadib marka antibayootikada loo bilaabey ama ilaa marka daryeelaha caafimaadku sheego in cunuggaagu soo noqon karo.

Baaritaan ???

U tag dhaqtarkaaga/kiliiniga haddii cunuggaagu qabo indho-gaduud malax leh iyo xumad, indho-xanuun, baalasha oo gaduuta ama haddii aad wax su’aal ah qabtid..

Daaweynta ???

DAAFKA hadeey Sababtay Bakteeriyo inta badan waa iska Baaba’aa 2 isbuuc gudahooda, Laakiin Bacteria-da Qaar si sahal ah kuma dhamaato ilaa Antibiotics lasiiyo ma ahane ,marka Waxa laga yaabaa in dhaqtarkaagu kuu qoro boomaatada ama goojada indhaha. U raac tusmooyinka dhaqtarka sida uu kuu faray.

 

Ka hortagga/Xakameynta (prevention) ???

1. KU dhaq gacmahaaga saabbuun iyo biyaha qasabadda oo qandac ah mar kasta ood taabatid wax dareere/dheecaan ah oo ka yimid indhaha, sanka ama afka. Gacmo-dhaqiddu waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda Cudurada Faafa.
2. Cunugga indhihiisu ha ahaadaan kuwo dheecaan ka nadiif ah. Iska ilaali inaad taabatid dheecaanka isha cunugga.
3. Tuur fasaleetiyada la isticmaalay oo dhan.
4. Boombaleyaasha ku dhaq saabbuun maalintiiba hal mar iyo markii ay wasaqoobaan.
5. Qofna ha la isticmaalin waxyaabaha sida shukumaanada ama marada la isku dhaqo.
6- xiro ookiyaalaha Qoraxda Celsho (Sunglasses )

W/Q: Dr. Mohamed Isse Hurshe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *