Maxaad Ka Ogtahay Xiriirka Ka Dhexeeya Maamul Wanaagga Iyo Horumarka Dhaqaale

Maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaale waxa door libaax ka ciyaari kara xukuumada lasoo doortay oo si daacadnimo leh shacabka ugu adeegta. saddex arrimoodka ayaa loo baahan yahay inay xukuumaddu si gaara ay daacad uga sii ahaato.

Kow, waxa loo baahan yahay in xukuumadu ay si xilkasnimo leh usoo ururiso cashuuraha shacabkeeda ku waajibay. Laba, waxa iyana muhiim ah in cashuurtaasi ay shacabka kasoo ururisay ay xukuumadu si daacadnimo ay ku dheehan tahay ay ugu adeegto bulshadda.

Saddex, waxa loo baahan yahay inay door muuqda ka ciyaarto horumarka dhaqaale ee waddanka. Xukuumaddu cashuurta ay soo ururisay qayb ka midda waa inay ku maalgelisaa mashaariic horumarineed oo markaasi ay kaga dayan karaan ganacsatada wadanku. Xukuumadu waxa kale oo ay samayn kartaa inay mashaariicdaasi kasoo qaybgeliso ganacsatada waaweyn si markaasi maalgelinta mashaariicdaasi aanay mashaakil ugu noqonin dawladda.

Nidaamkaasi mashaariicda horumarineed ay maalgelintooda iska kaashanayaan xukuumadda iyo ganacsatada wadanku waxa loo yaqaanaa Public Private Partnership (PPP). Waana nidaamka dhaqaale ee ay hirgelintiisa ku horumari karayaan wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo. Tusaale ahaan, waxa ay dawladda iyo ganacsatadu iska kaashan karaan ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ah sida sibidhka iyo macdanaha kale ee ay Somalia qaniga ku tahay.

Kaalinta Ganacsatada

Ganacsatada waddanka waxaa la gudboon inay si hufan uga soo baxaan waajibkooda ku aadan horumarinta dhaqaale ee waddanka. Horumarka dhaqaale ayaa wuxuu door wayn ka ciyaarayaa in la helo maamul wanaag. Ganacsatada waxaa laga rabaa inay marka hore si daacadnimo leh ay isooga bixiyaan cashuurta ku waajibtay, cashuurtaasi oo heerar kala duwan leh: ta kastamka, ta laga bixiyo iibka badeecadaha (sales tax), ta laga bixiyo mushaharka shaqaalaha, ta dhulka iyo ta kirada guryaha, iyo ta ku waajibtay faa’iidada uu ganacsaduhu sanadkii helo. Intaa kadib waxa kalloo ganacsatada laga rabaa inay wadanka ka sameeyaan mashaariic horumarineed sida warshadaha waxsoosaarka. Waxa nasiib darro ah in ganacsatada waaweyn ee reer Somalia aanay intooda badina aad moodo inaanay uba soo jeedin inay lacagtooda wadanka ku maalgeliyaan. Marka aad warshad waddanka gudihiisa ka samaysid ayaad waddanka faaiido usoo kordhisay oo markaasi lagaa faaiidayaa mushahar shaqaale oo ay qayb weyn oo reer Somalia ahi ay faqriga kaga bixi karaan.

Waxa kalloo jirta in marka hal warshad la furo inay mashaariicdu isasoo jiidanayaan maadaama ay warshadiba warshad u baahan tahay oo waxsoosaarku isu baahan yahay.

Laakiin haddaad tiraa lacagtayda maxaa “risk” (khatar) iga galinayaa anigoo Thailand kalluunka ka keeni karaya, dee ogow oo markaa waxa kaa maqani waa wadininimodii. Dhinaca kale markaad ka eegto,Illaahay mahadii weeyaan oo maanta waxa xaqiiqo ah in Somalia ay u dhasheen dad badan oo maalqabeen ahi, kuwaasi oo hadday fikirka intay bedelaan oo ay usoo jeestaan warshadaynta waddanka, waxaa la hubaa in waddanku uu muddo gaaban oo aan 15 sanno ka badnayn uu waddanku horumar dhaqaale oo la taaban karo uu soo hoyn karo; ama aynu odhan karno waxa 15 gudahood Somalia ay ku biiri kartaa wadamada dhaqaalahoodu uu meel dhexaadka yahay sida Thailand iyo Malaysia oo kale.

Feejignaanta Dadweynaha

Maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaale way isku xiran yihiin oo midkoodba midka kale ayuu u baahan yahay oo la’aantii aanu jirri karrin.

Xaga sarre waxaynu kaga soo hadalnay kaalmaha loo baahan yahay inay buuxiyaan xukuumadda iyo ganacsatadu. Shacabkana waxaa laga rabaa inay doorkooda kasoo baxaan. Shacabku waa inay xukuumada ka ilaaliyaan inay musuq-maasuq dhex muquurato oo ay ka leexato tubta maamul wanaaga. Shacabka waxaa looga baahan yahay in marka hore ay qiimeeyaan awooda ay u leeyihiin soo-saarida masuulka dawladda uga mid noqonaya. Waa inay qeexaan shuruudaha loo baahan yahay inuu kasoo baxo qofka ay masuulka ka dhigayaan. Haddii marka horeba shacabka ay iska soo dhexsaaraan kii balwadda lahaa ee heerkiisa aqooneed uu meel hoose ahaa markuu kursiga ku fadhiistona fikirkiisu noqonaayo halkeebaan waxka qandhuuftaa si aan balwadayda lacag buuran ugu helo, dee markaa shacabku kamay soo bixin kaalinta looga baahnaa oo iyagaa markaa masuulka u horseeday maamul xumada ayaa la odhan karaa. Laakiin hadday iska soo dhexsaaraan ka ugu mudan ee ugu dhawrsoon ee hantida shacabka iska ilaalinaaya, markaasaa la odhan karaa shacabku doorkii looga baaahnaa ee dhisida maamul wanaaga sidii looga baahnaa ayay uga soo baxeen.

Marka ay qola waliba sidaasi doorkeeda uga soo baxdo ayaa laysla heli karayaa labada faaiido ee maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaalaha.

Check Also

runta xikmad, xikmada todabaadka

Xikmada Todobaadka

Xikmada todabaadka: -Ha doondoonin RUNTA iyadaa imaneysa kaliya waxaad joojisaa xumaha iyo fikradahaada khaldan. -Weligaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *