Maxaad Ka Ogtahay Moobeelka Galaxy S5 iyo Waxyaabaha Uu Uga Duwanyahay Moobeelada Kale

Samsung-Galaxy-S5
Shirkada soo saarta Moobeelada ee Samsung ayaa waxa ay ku guuleysatay in ay ku dhawaaqdo soo saarista nooc cusub oo ka mid ah Moobeeladeeda la magac baxay Galaxy.
Samsung ayaa waxa ay soo bandhigtay Moobeelka Galaxy S5 kaas oo mudooyinkaan la wada sugaayay ka dib markii in badan uu suuqa yaalay Galaxy S4 dadkana ay wada dhararayeen noocaan Cusub.

Galaxy S5 ayaa waxa uu qaabab xoogaa ka duwan yahay Galaxy S4 oo suuqa ku soo horeeyay waxaana ka mid ah dhanka Kaamirada ,Batariga iyo aalada uu ku shaqeenaayo (CPU) iyo habka isticmaalka Shaashadiisa.

Galaxy S5 Cabirka uu Kaamirada danbe ku lee yahay ayaa waxa uu gaarayaa 16 megapixel,sidoo kale qaab Video ah oo dhan 4K ayay leedahay.

Moobeelka Galaxy S5 ayaa dhirir ahaan waa uu gaarayaa cabirkiisa 5.1 inch waana mid wax yar ka weyn moobeelada kale ee kaga soo horeeyay suuqa.

Galaxy S5 ayaa waxa la sheegay in suuqa si toos ah loo galin doono bisha April ee sanadkaan waxaana ugu horeyn laga iibin doono shirkadaha dalka Mareykanka ka dibna wadamada kale ayaa loo gudbin doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *