Maxaa Xal U Ah Laabjeexa?

laabjeex laab jeex laab-ololHunguriga iyo caloosha waxaa udhaxeeya muruq yar kaasoo sida caadiga ah xirma ama guntima marka ay cuntadu u gudubto caloosha waxaana loo yaqaana LES. Hadii uu dabco ama uu si fiican uxirmi waayo muruqaasi, waxaa dhacda in aashitada ku jirta caloosha ay si fudud ugu soo gudubto hunguriga taasoo sababta laabjeex.

Caloosha waxa ay lee dahay unugyo khaas ah oo ka difaaca in ashitada ay waxyeelo ugeysato, laakin hunguriga malahan unugyo ka badbaadiya aashitada. sidaa darteen marka qofku uu dareemo laab jeex, waxay ka tarjumeysaa in ay aashitada caloosha gubeyso unugyada hunguriga. Hadii astaamaha laabjeexu ay soo noqdaan ugu yaraan laba jeer isbuucii waxaa dhaca xanuunka loo yaqaano laabjeex. Xaaladaan caafimaad waxaa ka cawda dad badan oo kamid ah bulshada.

Maxaa u sabab ah Laabjeexa?

Waxa ugu badan ee sababa laab-jeexa waa eerno, xaalad caafimaad oo la xariirta in xubin kamid ah jirka ay booskeeda ka baxdo una gudubto boos kale. qaybta kore ee caloosha iyo muruqa u dhaxeeya hunguriga iyo caloosha ayaa kor ubaxa kana saramara muruqa u dhaxeeya saableeyda iyo ubucda kaasoo loo yaqaan Diaphragm . Sida caadiga ah muruqaan waxuu ilaaliyaa inay isu gudbaan labada qaybood, balse marka ay calooshu kor u baxdo waxaa hunguriga u gudba aashitada ku jirta caloosha taasoo sababta laabjeex.

Sababta ugu badan ee laabjeexa ayaa ah, in qofka uusan si wanaagsan u calaalin cunada, ama uu biyo kula cabo cunada, taas oo ku qasbeysa caloosha in ay ku burburiso aashito badan, aashitadaan ayaan usoo gudbta hunguriga, waxaana halkaas ka dhasha dareenka qofku uu dareemo xiliga laab-jeexa

Cunnooyinka qaar ayaa keeno laab-jeexa sida saliidda/dufanka, basasha, caffeega, cunnada sonkorta ku badantahay, shokolaatada iyo cunnada dhanaanka badanba iyo cunnada basbaasku ku badan yahay.

Wuxuu kaloo laab-jeexa ku badanyahay haweenka uurka iyo dadka ka buko dheefshiidka oo calooshoodu si gaabis ah u shaqeyso.

Calaamadaha Laab-jeexa:

  • Bog hur
  • Dhadhan dhanaan ah wax walba oo aad dhanamiso
  • Af-shiir
  • Daaco qurun
  • Kulayl xabadka kasoo kacaya caloosha ilaa hunguriga

Maxaa u daawo Laab-jeexa:

Ugu horreyn daawada laab-jeexa waa in aad badasho qaab nolol maalmeedkaaga adiguu ka fogaado waxyaabaha kiciyo laab-jeexa sida cunnooyinka aan kor ku xusay iyo kuwo kalaba sida cabitaannada ashitada leh, cunnada shiilan iyo liinta / oranjada.

  • Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxay daawo u yihiin laab-jeexa waa haddii caanaha aysan ahayn kuwo dhanaan sida suusaca.
  • Ka fogow in aad cunto cunno xilliga aad jiifsanayso ugu yaraan laba saac ka hor.
  • Markaad cuntayso kadib 2-3saac ha jiifsan.
  • Hala cabin biyo ama sharaab xiliga aad cunteyneysid,
  • Samee jimicsi jar si aad u yareyso cayilkaaga
  • Jooji sigaar cabidda maadaama laab-jeexa uu keeno.

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *