Change: Sidee qofku is-bedel u sameyn karaa?

Waxaa jiray tuug wadooyinka dadka ku dhaca, burcad ah. Aad caan u ahaa xilligaas. Habeen buu fuulay darbi guriga gabar uu aad u jeclaa, markuu rabay inuu gidaarka ka dago ayuu maqlay, qof Salaat tukanayay oo aqrinayay aayada Quraanka:

Miyaysan weli waqtigu u iman (u dhowaanin) kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Suurat Al-Xadiid)

Wuu ruxmay, wuxuu bilaabay in uu fakiro, hilmaamana wuxuu guriga u yimi. Wuxuu ku celceliyay: “Yaa Rabi, Xaqiiqdi waqtiga waa yimi, waa inaan is-bedelaa”.

Dib buu u soo noqday, wuxuu la kulmay Koox musaafir ah oo wadada ku hakaday, wuxuu weydiistay inuu habeenka inta ka hartay la joogo. Dadki waxay bilaabeen inay ku murmaan halkaa inay seexdaan iyo inay safarkooda sii wataan? Kuwaa ku doodayay in ay seexdaan maadaama Tuugi weynaa uu wadada u galayo oo dhacayo! Magaca ay sheegeen waa isaga.
Wuxuu is weydiiyay, habeenki oo dhan baan wareegaa si aan dambi u geysto, halka umadu iga baqeyso, i habaareyso. Go’aan dhab ah ayuu qaatay waa inaan hada is bedelaa, waxaan ku jirana ka baxaa.

Si dhab ah ayuu isu bedelay habeenkaa ka dib, wuxuu noqday mid ka mid ah culimada (Scholar) ugu caansan taariikhda Islaamka. Ninkaasi waa Fudayl Ibnu Ciyaad. Buugaag badan oo la qoray waxay soo qaataan Ximadihiisa iyo murtidiisa. wuxuu ahaa Tusaale fiican.

Noloshu waa in is-bedel la sameeyo. Qof kasta isaga ayaa ka mas’uul ah inuu is bedelo. Marar badan waxaan aragnaa dhacdooyin loogu talagalay inaan wax ku qaadano, iskuna bedelno. Nasiib darro, kama faa’iideysano inaan is-bedel nafteena ku sameyno. Waqti intee le’eg ayaaan sugeynaa si aan isu bedelno? Xusuusnow: Marnaba, Marnaba dib ha u dhigan, ha sugin in aad Alle SWT u noqoto. Ogow haddii aadan hadda go’aan gaarin oo is-bedel sameyn ma jirto xilli uu waqtigu sax kuu noqonayo, Waqtigu waa Iminka.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *