Maxaa Keena Dildilaaca Faruuryaha

Faruuryaha oo dildillaaca oo qolfoof yeeshaan “Cheilitis” waa xaalad ka dhalato markii faruuryuhu qallaalaan kadibna dillaacaan maxaa yeelay badanaa faruuryaha waxaa dulsaaran xuub yar oo dufan leh oo eebbe ugu talagalay in uu subkiyo faruuryaha, haddii xuubkaas la waayo ama laga qaado faruuryaha ayaa dhibkaan la arkaa.

Calaamadaha
Calaamdaha faruuryaha dildillaaca waxaa ka mid ah:
– Faruuryo qalleel,
– Barar,
– Jeexjeex yar,
– Dubka oo ka fiiqmo.

Haddii dildillaaca uu weynyahay faruuryaha way dhiigaan xanuunne way keenaan.

Sababaha
Faruuryaha oo jeexjeema wax badan ayaa keeni karo laakiin waxaa ugu caansan faruuryaha jeexjeexmo xilliga qaboobaha.
Waxyaabaha kale ee caanka ah oo faruuryaha dillaaciya waxaa ka mid ah caadada faruur leefleefka taasoo xuubka dufanka leh ka qaaddo.
Waxaa kaloo keeni karo haddii jirkaaga ku yaryahaya fitamiinada iyo macdanta qaar ee jirka wax u tara.
Waxaa kaloo dildillaacin kara faruuryaha hawada kulul haddii ay tahay mid bannaanka ah ama mid gudaha caloosha ka soo baxdo, sida dadka qaba gaaska oo kale.

Daaweyn
kareemka batroolka ka samaysan sida faasaliinta ayaa ah daaweyn ku meel gaar ah.
Dheecaannada wax burburiya ee calyada laga helo “enzymes” ayaa qaar waxay dhaawac u gaystaan faruuryaha oo dildillaaciyaan, taasne waxaa looga taxaddari karaa oo lagu daweyn karaa in aad joojisid haddii aad leedahay caadada faruuryaha in la leefo.
Dadka ay ku yaryihiin fitamiinada iyo macdanta jirka u baahan yahay waa in ay qaataan, dadka qabo gaaska ama cudur faruuryaha ku dhaca iyagane waa in laga daaweeyaa.

Guri Ku Daaweyn
Malabka waa daaweynta ugu fiican oo lagu daaweeyo faruuryo jeexanka, waa in faruuryaha la mariyo maadaama malabka uu subkayo uuna leeyahay maaddo la dagaallanto bakteeriyada.

Ka hortag
Iska ilaali in aad cabto biyaha aashitada leh ama biyaha aad u qabow maadaama ay dhaawacaan faruuryaha.
Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato waxaa laga yaabaa in ay keenaan faruuryo dillaaca.
Jooji faruuryo leefleefka haddii ay caado kuu tahay.
Haddii aad qabtid gaas, fadlan iska daawey.

Haddii talooyinkaas wax is badal iskaga garan waysid la xiriir takhtar cudurada maqaarka ah si loo ogaado dhibaatada bishinta kaa haysato.

W/Q: Dr. Usama Cismaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *