Maxaa ka qaldan Jaceylka?

Jawaabtu waa WAXBA ee waxay wax wax ka qaldan yihiin dadka Jaceyl Jinni Jinni ah intuu ku dhaco ka dibna Jiljileec iyo Jirro isku rida! sii Aqri…

Qof kasta wuxuu yiraahdaa Jaceyl ayaa dhaawac iga soo gaaray, laakiin taasi Run ma aha. Kelinimada, Waayida qof, Quusashada, Diidmada, Naceybka, La noolaanshaha xusuus, murugada iyo welwelka badan ayaa dhaawac keena intaana dad baa sameeya. Qof kasta wuxuu ku qaldaa kuwan Jaceyl. Laakiin Xaqiiqadii Jaceylku waa waxa keliya ee dabooli kara xanuun oo dhan, u keeni kara qofka Nolol, Nabad iyo Nuur.

Sidaa darteed,  Jaceylku been ma sheego, dadka ayaa sheega. Jaceylku ma tago, Dadka ayaa taga. Jaceyl kuuma diidin cunto adigaa isu diiday (Jaceyl loo qabo darteed ayaaba loo cunaa cunto) Jaceylku ma sameeyo Qiyaano, dad ayaa sameeya, Xaqiiqdii Jaceylku kuuma keeno niyad-jab iyo murugo, taasi waa wax qof uu awoodo inuu sameeyo. Jaceylku ma aha wax Maalin kelya loo dabaaldego, kuwa xusaya ee xafladeynaya in badan ma jecla naftooda, mana Jecla Allihi abuurtay kolkaa sidee bay qof kale Jaceyl u siin karaan. Jaceylku ma aha wax la jilo ee waa Ficil, waxana lagu muujiyaa Ficil.

Sidoo kale, Romance ma aha oo keliya hab isa siin, heesa dhageysi, shumac shidasho, ee waa in qofku gartaa in nolol cusub u bilaabatay, mas’uuliyad culus fuushay, wixi hore joojiyaa, daryeelaa lamaanihiisa, dedaal badan sameeyaa, si adag u shaqeeyaa. Ogow haddii hadhow Kiro guri & Biil koronto la soo dallaco hab baan ku siinayaa oo Romance baan ahay kaa bixin meyso!

Hadii qof Jaceyl idinka dhaxeeyay kala hartaan micnaheedu ma aha, in Jaceylki kaa dhamaaday ee waa in Xiriirki aad qofkaa keliya la lahayd joogsaday. Si la mid ah Hadii qof aad Jeclayd kaa tago ma aha in aad tiraahdo Qof dambe ma aamini karo ama dad oo dhan aad u nacday hal qof dartiis markaa waxaad hilmaansan tahay in Aduunka ay ku noolyihiin in ka badan Todoba Bilyan oo qof!

Haddaba, Ha eedeyn Jaceyl haddii uu dhaawac ku soo gaaray, Cambaar xun dusha uga tuur naftaada ama qofki magac Jaceyl kugu waxyeelay! Ka dibna noloshaada horay u wado

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *