Maxaa Jirkaaga Iska Badalaya Hadaad Maalin Kasta Hesho 25 Daqiiqo Oo Qorax Ah?

qoraxWaxaa la soo saaray daraasad ka hadleysa in qofka maalitii 25 daqiiqada oo Waqtigiisa ka mid ah uu ku qaato qoraxda uu ka bad baadayo qaar ka mid ah Cudurada ku dhaca jirka bini’aadamka.

Daraasadan ayaa soo saareen cilmi baarayaal dhanka caafimaadka waxayna ku sheegeen in qoraxda ay daawo u tahay jirka bini’aadamka ayna ka hortagto qaar ka mid ah cudurada ku dhaca jirka.

Waxayna daraasadaani xustay in cudurada qoraxda uu daawada ka yahay ay ka mid yihiin cudurka dhiigkarka iyo waliba qaar ka mid ah cudurada ku dhaca kala goosyada sidoo kale cudurada ku dhaca maskaxda waxaa daawo ka ah qoraxda iyadoo qoraxduna ay muhiim u tahay dhiiga ku jira jirka bini’aadamka wuxuuna u baahan yahay qorax uu ku shaqeeyo hadii kale ma awoodi karo inuu u shaqeeyo sidii loogu tala galay.

Daraasadaan ayaa tilmaameysa in ay dadka ay ku dadaalaan qoraxda iyadoo xusid mudan tahay dadka ku nool qaarada afrika ay yihiin kuwo inta badanba aaminsan in qoraxdu daawo leedahay, sidoo kale waxaa jira dalal badan oo ku yaala dunida ay suuro gal tahay in ay qorax darteed ay u soo aadaan dalal badan oo ka mid ah qaarada Africa iyo waliba qaarada eeshiya.

W/D: C/qadir Cumar Muxyadiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *