Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?

Philosophy Professor ayaa cashar siinayay Arday. Miiska hortiisa waxaa saarnaa laba dhalo waaweyn & kuwa yar yar oo ay ku jiraan dhawr shey oo kala duwan. Hal dhalo ayuu wuxuu ka buuxiyay Ciid, ka dibna wuxuu ku shubay dhagax-dixeed (quruurux). Wuxuu ardaydi weydiiyay in ay dhalada buuxdo? waxayna si fudud ugu jawaabeen Haa. Wuxuu soo qaaday Dhagax waaweyn, wuxuu isku dayay inuu geliyo dhalada Ciida & quruuruxa kabuuxo balse waa geli waayeen.

Wuxuu weydiiyay Fasalki sida dhagaxda loo gelin karo dhaladan. Waxay inta badan oranayeen Ciida ka daadi qeyb, xoog u geli dhagaxda, iwm.

Professor-ki ayaa u sheegay inay hilmaameen inay jirto dhalo kale halkan taal oo faaruq ah. Haddaba si uu u wada geliyo wuxuu marka hore ku riday Dhagxaanta waaweyn, wuxuu ku xijiyay Quruuruxa ka dibna wuxuu ku shubay Ciid.

Wuxuu yiri Professor-ki, “Hada, waxaan rabaa inaad garataan in dhaladan ay mataleyso naftiina:-
Dhagaxda waaweyn waa waxybaaha muhiimka ah – Diintaada, Qoyskaaga, caafimaadkaaga, lamaanahaaga, caruurtaada – Waxyaabo haddii wax kasta oo kale la waayo oo iyaga keliya la heysto naftaadu ay weli ahaaneyso mid buuxda oo fadhida.

Quruuruxa waa waxyaabaha kale ee ku xiga – sida shaqadaada, gaarigaaga, gurigaaga.

Ciidu waa wixi kale ee soo hara. Waa waxyaabaha yar yar balse aan aadka muhiimka u ahayn sida caweys, madadaalo, hiwaayad, ciyaaro, iwm. Haddii aad ciida ka buuxiso marka hore meelna uma banaana dhagxaanta – waxyaabihi muhiimka kuu ahaa nolosha markaa waxaa dhici karta in aad is tiraahdo khasab ku geli halkaana aad ka qaado jahwareer iyo kadeed.

Haddii aad ku lumiso waqtigaaga & energy-gaaga oo dhan waxyaabaha yar-yar marnaba boos u heli maysid wixi muhiimka kuu ahaa. Ka taxadar waxyaabaha u daran naftaada, khatar ku ah caafimaadkaaga, kaa qaada farxada. Waqti fiican la qaado qoyskaaga, la ciyaar caruurtaada, qabo shaqo kasta oo kuu taal, iska hagaaji hoygaaga, iska habee xafiiskaaga, Habeen kasta qoro waxyaabaha muhiimka ah oo ay tahay inaad qabato maalinti.

Ka taxadar Dhagaxda waaweyn marka hore – Waxyaabaha muhiimka kuu ah. Ku mashquul waxyaabaha mudnaanta & ahmiyada kuu leh. Wixi kale waa Ciid.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *