MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

maraq, suugo, cooking with hafzaKusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo khudrad kaliya oo aad ku cuni karto muufo, chapati, bariis ama wixii markaas kuu diyaarsan. Waa maraq fudud oo qof kasta uu samayn karo.

Habka diyaarinta:

Waxaa loo baahan yahay: 

  • Moos
  • Caano qumbe
  • Basal
  • Yaanyo fresh ah
  • Saliid
  • Huruud
  • Filfil shiidan
  • Toon shiidan
  • Cusbo
  • Basbaaska cagaaran
  • Raqay
  • liin dhanaan

Digsi saliid yar ku shub dabadeedna basasha ku dar.

Yaanyada ku dar oo  si fiican u walaaq.

Ku dar huruuda, toonta, filfisha iyo cusbada.

Intaas isku kari adigoo dabka u gaabinaya. 20 daqiiqo kadibna ku dar mooska iyo basbaas.

Dabadeedna ku caanaha qumbaha. Waxaad kaloo ku daraysaa raqay iyo liin dhanaan. Dabka u gaabi oo isku huuri.

Maraq cajiib ah ayaa halkaas kasoo baxaya.

Ka bogosho wacan:

Check Also

haanbeegar caafimaad leh somali handburger

Haanbeegar Caafimaad Leh Oo Caruurtu Ay Jecel Yihiin

Kusoo Dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxaan idin tusinaynaa sida loo diyaariyo haanbeegar Caafimaad leh …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *