Madoonaysaa dadku in ay ku Qadariyaan kuna Jeclaadaan?

Dabcan qof weliba waxa uu jecel yahay dadku in ay qadariyaan oo ay jeclaadaan .hadaba si ay taasi u dhacdo waxaa wanaagsan in aan la imaano sifooyinkaan ( arimahan ) soo socda .

1- Ka run sheeg diintaada:

– Waxaa wanaagsan in ay islahaadanaa ( iskumid noqdaan ) qofka waxa uu rumaysan yahay iyo wax uu qabanayo tusaale ahaan.

– Hadii aad rumaysan tahay Allah (SW) inuu yahay ilaaha kaliya ee xaqa lagu caabudo, Nabi Muxammedna ( naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu yahay rasuulkii Alle, Hadana aadan raacayn sunadii rasuulka

-Hadii aad rumaysan tahay Salaadu in ay waajib tahay , Hadana aadan tukanayn.

– Hadii aad rumaysan tahay sakadu ( zako) in ay waajib tahay in la bixiyo hadii aad awoowid , Hadana aadan bixinayn adigoo awooda.

-Hadii aad rumaysan tahay Soonku inuu waajib ku yahay cid kasta oo aan cudurdaar lahayn ( inta diintu cudurdaarka u samaysay ) ,Hadana aadan soomayn adigoo wax cudurdaar ah aan lahayn.

– Hadii aad rumaysan tahay in ay waajib ku tahay cid kasta oo muslim ah hadii ay awoodo mar ineey soo xajiso , hadana aadan doonayn in aad soo xajiso adigoo awooda .

# Intaan aan soo sheegay waa shanta tiir ee islaamka qofka islaamka masoo galo hadii uusan intaan rumayn xaqnimadooda hadaba qofku hadii uu intaan rumeeyo waxaa wanaagsan inuu ka run sheego oo uu ku dhaqmo oo aysan noqo wax afka laga sheegto , waxaana xaqiiq ah hadii uu qofku ka run sheego waxa uu aamin san yahay cidkasta ayaa sharfaysa oo qadarinaysa , tusaalana waxaa inoogu filan culimada maqaamka ay ku dhexleeyihiin bulshada .

2- Dadka ha ku badin kaftanka:

-Kaftanka badan waxa uu keenaa dadku in aysan kaa hiibaysan oo ay wax weliba kugu yiraahdaan waayoo waxaa layiri ruuxii waxuu doona sheega wax xumeeya ma waayo.

3- Ha badsan qosolka:

-Qosolka baadan waxuu sabab u noqon karaa dadku in ay ku sahladaan oo aysan kuu arag ruux dhab u hadlaya.

4-Balamada oofi:

– Balamada oo aad oo fiso waxa aad ku kasban kartaa in dadku ay kugu kalsoonaadaan .

5- Iska daa xanta:

-Ha xaman qofka hadii uu kaa maqan yahay iyo haduu kula joogaba. waayo qofka aad sharaftiisa dhowrto ( aadan ku xad gudbin ) adna taada ayuu dhowrayaa.

6- Tixgelin sii ( qadderin sii) marka dadku ay kula hadlayaan :

– Qofkaad hadalkiisa dhagaysato waad waynaysay ( waad sharaftay ) , waxaadna filan kartaa adna inuu ku dhagaysto.

7- Waanada u qaasyeel ( ku kali’yeel) :

-Hadii aad aragto ruuxa walaalkaaga ah inuu gafay ( khaldamay ) haku dhex waaninin dadka dhexdooda, waayo ruuxaad dadka dhexdiisa wax ugu sheegto waad fadeexeeysay ( ceebeeysay) , hadii aad doonaysid Allah ( SW ) in uu asturo ceebahaaga , astur ( u qari) ceebaha walaalkaaga .

8-Ha xaqirin wanaaga dadku ay sameeyan :

-Hadii dadku ay wax wanaagsan qabtaan amaba ay abaal kuu galaan waa in aad ku amaantaa ugana mahadcelisaa, Taasi waxa ay sabab u noqon kartaa dadku inuu adna waxaad samayso iyo waxa aad sheegtaba wanaag u arko.

9-Ha ugu yeedhin (wicin ) naanays ay dhibsadaan :

– Hadii magaca aad ugu yeedhaysid uu noqonayo magac sharafta qofka dhaawacaya waxaa habboon in aadan ugu yeedhin , hadiise magacu uu noqonayo mid aad ku karaamaynasid qofkuna uusan dhibsanayn waad ugu yeedhi kartaa , waxiiba amaan ah .

10- Waa in aad ahaataa ( noqotaa) qof cafis badan :

– Ruuxii ku xumeeyay oo aad wanaag ugu badasho waxa aad ka faa’iidaysaa marka koowaad , waxa aad shaqaysatay ajar , marka xigta ruuxaas waxa uu kaa dhiganayaa dad ciduu ugu jecelyahay oo waxaad kasbatay qalbigiisa. marka waa fursad qurux badan .

11- Dadka u ixsaan fal inta aad awoodo :

– Waxaa layiri qofkii ixsaankiisu bato walaalahiisa ayaa bato, qofki aad caawiso isagoo ( asagoo) caawinaad u baahan weligii kuma iloobayo waxa aadan kamid noqonaysaa dadka uu qadarimo.

12-Noqo qof hadal dabacsan ( jilicsan) :

– Marmarka qaar waxaa dhici karta adigoo wanaag dadka u sheegaya in ay hadana kaa dhagaysan waayo waxa ay ku xiran tahay hadba sidaad ula hadashay , hadii hadal kaagu uu u egyahay mid ad adag waxaa dhacda dadku in aysan waanada kaa qaadan xitaa hadii ay dan ugu jirto hadiise aad ulahadasho si dabacsan oo naxariis iyo kalgacayl ay ku laran tahay ( ku jirto ) waxaa suurtagal ah dadku in ay kuu dheg raariciyaan ( ku dhagaystaan ) kaana qaataan waanada, hadaba adigoo doonaya in aad dadka u faa iidayso ha noqo mid ay kacararaan .

Ugu dambayntii waxaan aad uga cudur daaranayaa inti aan qalday shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay , inti aan saxayna Allah (Sw) ayaa i waafajiyay , waxaan Alle waydiisanaynaa inuu naga yeelo ( dhigo) ummad wanaaga is farta xummahana iska reebta .

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *