Ka Hortagga Madax Xanuunka Xilliga Soonka Iyo Talooyin Muhiim Ah

madax xanuunka bisha ramadaan xilliga soonka madax xanuun

Inta badan bisha soonka inta lagu gudo jiro dadku waxa ay maalintii inta ay af-xidhan yihiin isku arkaan madax xanuun leh marxalado kala duwan, mid sahal ah, mid dhexdhexaad ah iyo mid aad ugu adag qofka. Sababaha madax xanuunkaasi waa ay tiro badan yihiin, waxase ugu waaweyn oo aynu xusi karnaa, Sonkorta / Macaanka oo hoos u dhaca, Maadadda Caffeine oo inta badan laga helo shaaha iyo bunka oo hoos u dhacda, caadadii hurdo ee qofka oo isbeddel ku yimaaddo, tusaale ahaan xilligii la seexanayey iyo waqtiga toosidda iyo waqtiyada uu qofku hurdada ka toosayo habeenka gudihiisa iyo ugu dambayntii soonka gaajiadiisa oo iska wata tacab nafsi ah iyo mid jidheed.

Qormadan waxa ayny ku eegaynaa madax xanuunka xilliga soonka iyo sida uguhabboon ee loola tacaali karo:

Madax xanuunka: Ugu horreyn madax xanuunka waqtiga soonku inta badan waxa uu qofka qabtaa duhurka kadib ama casarka oo gaadhsiisan ilaa waqti yar ka hor af-furka. Inta badan waa madax xanuun soo noqnoqda inta soonka la wado, dadka xilliyada aan soonka ahayn madax xanuunku ku badan yahayna xilliga soonkana waa ay kaga badan yihiin dadka kale

Sababta iyo sida looga hor tegi karo: – Ugu horreynba waa in qofku uu ku dadaalo in maalmaha bilashada Soonka ka horreysa uu si tartiib-tartiib ah u soo yareeyo xaddiga Caffeine ee uu qaadanayo, tusaale ahaan in uu yareeyo bunka iyo shaaha uu cabbayo illaa uu gaadho in maalinta soonka ka horreysa joojiyo.

– Heerka sonkorta / Macaanka dhiigga oo soonka awgii hoos u dhacaa waxa ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee dadka badankooda madax xanuunka ku keena bisha soonka. Gaar ahaan madax xanuunkan waxaa la arkaa maalinta koowaad ee soonka, weliba marka uu qofku maalinta ka horreysay soonka isticmaalo macaan badan oo keenaya in uu macaanku si xawaare ah kor ugu kaco, haddana maalinta koowaad ee soonka mar keliya si degdeg ah hoos ugu soo dhaco. Sida ugu fiican ee looga hortegi karaana waa in qofku uu maalmaha soonka ka horreeya si tartiib-tartiib ah u soo yareeyo macaanka uu qaato, si naftii uu u carbisan hoos u dhaca macaanka soonku u bilowdo.

– Qallal: jidhkeennu boqolkiiba 50 illaa 75 waa biyo, unugyo ka mid ahna boqolkiiba 90 ayaa biyo ah, taas waxa ay caddaynaysaa sida aanu jidhku biyaha uga maarmi karin, hoos u dhacooduna waxa uu keenayaa jidhka oo engaga waxaana ka dhasha madax xanuun badan.

Sida ugu habboon ee aad uga hortegi karto madax xanuunka ku imanaya engagga jidhka waxaa fiican in xilliga afurka aad hesho cabbitaan kugu filan, sharaab, maraq biyo iwm, gaar ahaan xilliga suxuurta. Biyo aad u qabow oo aad cabtaa harraadka ba kaxeeyaan, umana fiicna caafimaadka, sidaa awgeed ku dadaal in cabbitaanka aad cabbaysaa uu noqdo mid aan aad u qaboobayn ama sida ugu fiican in uu noqdo mid yara diirran.

– Sigaar nuugistu waa caado xun oo caafimaadka qofka cadow ku ah, maaddooyinka ku jira awgeedna haddii qofka caadaystaa uu si kedis ah u joojiyo waxaa ku yimaadda madax xanuun iyo in uu ka maqnaan kari waayo, taas oo ah waxa ay dadka nuugaa ku magacaabaan xaraaradda. Haddaba si aad xilliga Ramadaanka uga badbaaddo madax xanuunka sigaarka la’aantii yimaadda, waxaa fiican in Ramadaanka ka hor aad qiyaas laba toddobaad ah aad marba sii yarayso sigaarka aad nuugayso, illaa aad soo gaadho maalinta soonka ka horreysa in aanad sigaar shidan. Waayo-aragnimada dad badani arkeen ayaa sheegaysa in Ramadaan ay tahay xilliga ugu fiican ee uu qofku iska jari karo balwadda sigaar nuugista ee khatarta ku ah caafimaadkiisa.

– Gaajada badani waxa ay keentaa madax xanuun, jidhka iyo xaglaha oo burbura iyo qofka oo tamar beela, haddaba si aad uga taxaddarto in xilliga soonka ee maalintii ay gaajo badani ku soo gaadho, waxaa fiican sida Shareecada Islaamkuba ina farayso in aynu goor dambe suxuuranno oo weliba ay noqoto cunto caafimaad ahaan faa’ido leh oo la hubo in aanay caloosha hore uga baxayn.

Talo:

1. Dadka madax xanuunka badan waxaa lagula talinayaa in ay iska jiraan waxyaabaha xilliga soonka sii badiya madax xanuunka, sida in kaadida uu qofku ceshado, daalka nafsiga ah iyo burburka, shaqada aadka u badan, hurdo yaraanta.

2. Madax xanuunka Af-furka kadib- haddii aad madax xanuun isku aragto af-furka kadib waxa ay u badan tahay in cuntada aad cuntay ay ka badantahay intii aad qaadi karaysay caafimaad ahaan. Cunto badan oo aad cuntaa waxa ay sababtaa in dhiigga jidhka ku jira badankiisu u weecdo dhinaca hab-dhiska dheefshiidka ee shaqada badan ee ridqista cuntada ahi ka socoto si hawshiisu ugu fududaato, taasina waxa ay keenaysaa in uu yaraadoo dhiigga gaadhaya unugyada maskaxda, taasina ay keento madax xanuun, burbur iyo in maskaxdu shaqadii looga baahnaa yarayso.

3. Ugu dambayntii talada khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in xilliyada cuntada oo la jaangoyn waayo, sida in waqtiyo kala duwan la casheeyo ama saacadaha suxuurta hadba dhna loo raraa ay keento madax xanuun.

Check Also

Toddoba Cunto Oo Kordhinaya Awoodda Iyo Xusuusta Maskaxdaada

Cuntooyinka Kordhinaya Awooda Maskaxdaada ! waxay dhamaanteen ognahay in cunista cunto caafimaad qabtaa ay muhiim …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *