Macmacaanka Ciida

macmacaanka ciidaWaxaa foodda inagu soo haya oo ay ummadda muslimiintu isu diyaarinayaan maalinta ciiddal carafa, Cooking with Hafza ayaa natusinaysaa macmacaanka ciida oo hab fudud loo samaynayo.

Macmacaankaan ay Hafza ciida ugu talo gashay ayaa ah miiska kuu qurxinaya caruurta iyo qoyskana ka farxinaya.

Habka diyaarinta:

Waxaad u baahan tahay

  • Koob Caano ah oo qandac ah
  • 2 Qaado iyo bar khamiir ah
  • 2 Qaado iyo bar  sonkor ah
  • Cusbo
  • 4 koob oo bur ah
  • 2 Xaboo oo ukun ah
  • Canoo garoor (yogurt)
  • 3 Qaado oo lows shiidan ah (almond)
  • Qaado saliid ah (canola oil)

Waa la isku qasayaa, waxaa la sugayaa mudo 1 saac ah. Marka burku si fiican uu usoo kaco waxaa  lagu darayaa naacnaac shiidan (mint) si ay u carfiso, kadibna waxaa la dhex gelinayaa timir.

Daawo sida fudud ee loo diyaarinayo macmacaankaan:

Check Also

maraq, suugo, cooking with hafza

MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *