Ma Rabtaa In Weligaa Bidaar Ayna Ku Gelin, FARSAMADAAN ADEEGSO

Hadii aad tahay shaqsi mar walba ku dadaala in madaxiisa ay timo ku yaalaan had iyo jeer, waa inaad qaadataa talooyinkan si aad u xaqiijiso arinkaas:

1-Si wanaagsan iskaga hubi markaad akhriyeysid daawooyinka aad isticmaasho ee la soo saaro: Waxay garanayaan Raga badankii in daawooyinka leysku dar dara soo bixiso bidaarta, laakiin waxaysan ogayn inay daawooyinka tayada leh ee wanaagsan xitaa ay sababi karto inay ka soo saarto bidaar hadii aadan iska hubin

2- In lagu dadaalo Nadaafada: Inkastoo aan lagu tirinin nadaafo-darada inay soo saarto bidaarta, hadana nadaafad-daradu waxay saamayn ku leedahay madaxa waxaana suragal noqon karta inay bidaar halkaa ka dhalato

3- Haka caajisin mar walba inaad booqato dhakhtarka hadii aad isku aragto cudurka ku dhaca Maqaarka: Inaad booqato dhakhtarka maqaarka waa muhiim hadii aad isku aragto Cudurkaasi maxaa yeelay Cudurkaasi wuxuu sababi karaa bidaarta, hana ka Xishoonin arinkaa waxaana muhiim ah inaad ka war bixiso xaaladaada iyo dhibaatada ku haysa.

4- Inaad laasimto jimicsiga: In la laazimo jimicsiga waxay ka mid tahay talaabooyinka ugu muhiimsan Waajibkana ay tahay in la raaco sidaad uga hortagto bidaarta maxaayeelay timuhu waxay ka soo beermaan jirka bini aadamka jimicsigana waxuu caafimaad u yahay jirka Bini aadamka.

Check Also

Fruits-ka U Fiican Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *