Ma Rabtaa Inaad Si Fudud Dadka Indhahooda Kusoo Jiidatid? Arrimahaan Samee

Qofkaste oo inaga mid ah ayaa waxa uu rabaa inuu noqdo qof indhaha iyo quluubta dadka soo jiita, soo jiidashadan ugama jeedno qurux oo kaliyaata, balse waxa kal oo aynu uga jeednaa la dhaqanka wanaagsan ee dadka, iyo waliba wanaaga aad rabtid inay markste kugula dhaqmaan dadku, halka aad rabtid inaad ku reebtid raad wanaagsan, iyo jacaylka ay ku jeclaadaan dadka kale.naag

Hadaba daryeelmagazine.com waxay kuusoo gudbinaysaa dhawr tallaabo oo ay haboontahay inaad raacdaa si aad u noqotid qof soo jiidad leh

Ka takhallus dhawrkan sifo;

Si aad u noqotid qof soo jiita dadka kale waa inaad ugu horayntii ka takhallustaa sifooyinkan kaa hor istaagaya inaad soo jiidatid dadka, kana takhallusaya shakhsiyadaada, waxaana weeye: Cabsida, kalsooni darrada nafta iyo shakiga.

Cabsida: waxaana aynu uga jeednaa inaad noqotid mid ka cabsada tijaabo kaste oo aad galaysid, qof kaste oo cusub oo aad ku khasban tahay inaad la macaamishid, waa inaad noqotaa qof ku nool nolol caadiya, aan waxbana ka cabsan.

Kalsooni darrada nafta: waxa weeye inaad naftaada ku qancisid inaad waxba qaban karaynin, taasina waa khalad aad u wayn, waa inaad aamintaa inaad si buuxda u qaban karto wax kaste oo aad rabto inaad qabitd, isla markaana ku najixi doonto.

Shakiga: waa inaad ku kalsoonaan waydo cida ku hor joogta, haday doonto yaanayba ka muuqan wax aad kaga shakidaa, taasina waa khalad kale in aad ka shakido cid kaste, isla markaana ka shikiyi waydo cidnaba, khayrku iyo wanaaguna waxa uu ku jiraa dhexdhexaadka.

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *