Ma Rabtaa Guul? W/Q: Hinda Cabdi

Bismillah

Asalamu calaykum waa Raxmatullahi waa Barakatu.

Salaanta Qiimaha badan kadib, IIahay ayaa mahad leh

waan hubaa inan dhamanteen rabno inan guulaysano Aakhiro iyo Aduunba, Alle ha inagu hago dariiqa Guusha Idilkeenba.

Guushu waa maxay?

Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana ahaa mid ku timaada xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo samir yaraan toona.

Guusha waxa sargooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.

Guushu waa wax cayiman waa wax qofkasta yaqaan, waa wax cidi ku sifoowda ay dadka kaga tilmaamantay astaamo gaara, loona xiisoodo raacida dariiqa ay mareen, iyadoo arintani jirto hadana ma jirto wado qudha oo guusha kugu hagta waxa laga yaaba halka uu mid inaga midi u maro in ka kuxiga ka waayo, ama qofkasta iyo xaalkasta leeday dariiq u gaara.

Guushu maaha xoolo badan, maaha shaqo badan, mana aha mansab sare, balse guushu wa xasilooni Nafeed iyo daganaansho niyadeed, guushu waa wax qofka u sahasha inuu si niyad samana ugu dhex nooladoo bulshadiisa, waxa suura gal inad wakhti badan ku bixiso waxad u aragto guul wayn, balse qofkale uu ku arko qof tabcanaya Daal iyo dhib, tusale ahaan qof sabol ah, guusha u arka inu marun helo wax uu iskaga dabool bahiyaha nolosha ee kala dhadhanka duwan..

Hadii arintu sidan tahay waxa laysku raacsan yahay in ay noloshu kala duwananshaha ku wacantay kuna micno fiican tahay, balse ay jiran wax yaabo lawadaago si nolosha iyo nafta loogu raro meel ay u aragto munaasib wakhti iyo xaalad go’an, loogana rero meel ay kuqanacday inay wajib tahay in laga baxo ama laga hayaamo, anoo ka duulaya Mabaadidan guud ee asaasiga ah waxan isku dayeya in aan ino so gudbiyo Astamaha ay ka midaysanyihiin dadka Guusha sameeya noockastoy yihiin..

Wax ka baro Astaamaha Guusha …….

1.Dajinta hami iyo hiigsi

Isbadal jogto ah : dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku qanciyan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka u codkoodu gadho ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, wax mararka qar dhacda in lagu arko qof qaldan balse wa wax nolosha ku caadiya, Nabi Muxamed (CSW), ayaa tusale fican kugu ah, iyo dhaman dadka nolosha horumarka ka sameyey midkastood noloshisa badho.

2. In aanad mar labad sameyn khalad aad horay u sameysay, taasi micneaheedu maaha in hadii aad shey mar ku guuldareysato in aad mar kale ku guuldareysanayso, lakin waxay tahay in aad wax ka barato khaladaaddkaagi hore ee aad Khalad kaga oo aad wax ka barata, oo aanad ku si socan waa wadad guusha .

3.Humaag iyo Qanaco Isbadalku Noocu noqonayo: dhaman dadka nolosha ka sameeyey horumarka waxay ku qanacsanayen inay gadhayan meel ka fican halkan ay joogan, dhaman waxay madaxa ku haystan sawr ka turjumaya nolosha ay hayanka ku yihin, waxay markad la shekaysto ama akhrido buugta taarikh nololeedkoda ka arkaysa Riyo wakhti ay sooo jeedan, taso adiga kula muqata hir balse isaga ula muuqata xaqiiq, wana ta dhaxalsisa adayga iyo gadhida noloshoda ay raban.

4. Dadaal iyo Karti dheerad ah: dhaman dadka macnaha sameeyey ee kugu xeeran haday noqoto shek iyo sharifba midkasta wuxu goostay wuxu beertay, midkasta wuxu ku naalonaya habenkisa iyo malintisa intu gashaday, taasana waata dadka kala sareysisay,ee gulayste iyo guldarayste ka dhigtay

5. Samir iyo Dulqaad: u fiirso dadka wax ah ama aad farta ku fiiqdo ee noloshada ku xeeran, iyo dhaman dadka samaynta toska kule noloshena ma jiro qof Haben ku gadhay nolosha u gaadhay, mana jiro qof Saacadaha tiriyey si u badano nolosha uu rabo balse qofkasta wuxu huray wakhti dheer isagoo muujiyey samir iyo dulqaad xad dhaafa, waata sababtu Subanuhu (CSW) ugu laha Asxabigi ku yidhi alle noo bari in dadkan na Ciqabaya u naga kafiyo: Samra Ilma Yasiro Balantinu wa janee, taasi wa mancaha samirka iyo dulqadka.

6. Go’an iyo Xoog Sarid: ma jiro qof meel gaadhay oon dadka fikirkisa ku qancin, soo xasusto dhacdadii cajibka ahayd ee Subanihii (SC W), lagu yidhi Inader hubka dhig an kusino waxad rabto, Suldanimo, Xoolo, Hawen Quruxon, ee intu amusay u ku yidhi Wale hadi Dayaxa iyo Cadceeda midba gacan laysaarayo inan ka tagayn waxa an ku tagnahay. dhaman dadki noloshan macnaha ku sameyey waxay ahayen kuwo ku adag waxay raban kuna qanacsan fikirkooda nololed.

7. Guulaha iyo wax soo saarka cusub ee manta la gaadhay waa riyadii shalay. Haddii aad u fiirsato waxyaabaha kugu xeeran sida dhismayaasha dhaadheer, maraakiibta,diyaaradaha, telefonada ,internetka iyo idaacadahuba waxay shalay ahaayen riyo ku jirta maskaxda mid kamid kii daahfuray. Riyadadu waa meesha ay ka bilaabanto guul kastaba waa cunsurka ugu muhiimsan ee wax qabadka. Waxaa xusid iyada oo rayadeenu aanay xudud ahayn.

Wuxu yidhi Alber Ayniston : “Riyadu way ka muhiimsan tahay Aqoonta”

8. Arimaha ugu waaweyn ee guusha lagu gaadho waxaa kamida samirka, oo ah inaad adkaysi yeelato dhibatada oo aanad dagdagin Ilaahayna Qur,aankiisa wuxu ku yidhi “samra oo dhabar adayga oo ilahay ka baqaa waad guulaysan doontaane” markaa Illahay guusha wuxuu ku xidhay waa samir. Waxa kale oo Illahay aayado farabadan kaga hadlay samirka abaalkiisu in u yahay jano iyo khayr. Marka aan ka hadlayno horumarka maadiga ahna waa inaad u samirto shaqada aad hayso ee aad ku hiigsanayso guusha aad rabtid.

Xaglo Laban Guul laguma Gadho

Adu hays xaqiirin intaa aanay dadka kale ku xaqiirin, Isku kalsoonow oo niyadada waanaji Illahayna taalo saro mar kasta .

9. Ha u ogolaan dadka kale inay hoos ku dhigaan.Waxa hubal ah in aad soo martay noloshaada guuldarooyin faro badan . si kastaba ha ahaate ha u ogolaan dadka kale in ay ku niyad-jabiyaan ama ay kugu tilmaamaan in aad tahay qof aan waxba qabsan Karin. Ma jiro qof waada wanagsaan qof waliba khalad wuu sameeya,hadaba ku dhiiri geli naftaada in aad tahay qof wax qabsan kara guulaysana.

10. Ha ka baqaan guusha: hadi aad ka baqato wadada guul darada ayaad ku dhacaysa waligana lagama yaabo in aad heeshid.

Guushu ku imaan mayso aada radsaanaya .

Waad guulaysan insha Allah

11. In qofku baadho waxyaabaha uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu u guulaysto iyo waxyaabaha ka hor istaagi kara guusha.

12. Guushu ku so dhawayn mayso roogna ku dadin mayso aada samaynaaya .

13. Talabda u horeysa waay adagtahay lakin aada fududaynaya .

14. Noqo qof jira, noqo qof la soo higsaado noq qof samiir leh iyo dulqaad,

15. Adu hays xaqiirin intaa aanay dadka kale ku xaqiirin,

16. Isku kalsoonow oo niyadada waanaji Illahay taalo saro mar kasta .

ugu danbayntii dadkani waxay sifo u leeyin Ababulka iyo Adeegsida Awooda dadka kale, ama degaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayan inay abuurtan jawi la saxiba kaso ku gacansiya marka ay hoos marto, sida Lataliyayaal dacada, iyo cidkasto ay u arkan inay gacan kasinayso gadhida halka ay raban, waxanay isku dayan inay yareeyan Cadawgooda wakhtiga bilawga ama awood daaraan yahay.

Wax ka baro hababka looga hortago guul-darrada

Talo bixin.

-Waa inuu joogteeyaa oo ku dadaalaa hayaanka uu ugu jiro guusha.

-Waa inaad hubisaa kolba inaad hayso hilinka iyo toobiyaha aad u marayso guusha.

-Waa inaad u samirtaa hadimooyinka ku gadaaman jidka guusha oo hadii aad dhib la kulanto aad ka gudubtid .

-Waa inaad niyad samaan iyo talo saarasho Alle aad la timaadaa.

-noqon dadka markay Gusha gadhana, had iyo jeer Ilaahay u mahadnaqa oo ka dheeraadaa kibir iyo wixi lamida , una tafoxaydataa sidii u guulo kale u gaadhi lahaa.

-Waxa la isku raacay in guusha dhabta ah ee waaraysaa ay tahay guulaysashada if iyo aakhiroba iyo raali ahaanshaha Rabbi.

-Sida ilaahay (SWC) ku sheegay, qofka guusha dhabta ah gaadhay inuu yahay “qofka la dhaafiyo naar ama aan galin naar, Janaduna hoy u noqoto, kaas ayaa guulaystay.

-Muhiimadu waxa weeyaan, inaad ogaato micnaha iyo ujeedada aad u nooshahay ee aad aduunyada u joogto, hadaad u fiirsato dadka nolosha aan fahansanayn waxaad arkaysaa iyaga oo nolosha ka quustay, wax guul ahna ka gaadhin.

Xaglo Laban Guul laguma Gadho!!!

Illahay ayaa mahad leh

Waad mahadsantihiin

Akhriste waan soo dhaweynaya fikirkaga

Wixi talo iyo tusale ah halkan ayaad ku soo hagajin karta

Hinda20999@gmai.com

W/Q: HInda Cabdi Sheekh

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *