Ma rabtaa Guul iyo Farxad? Tuko Salaada

farxad salaada tukoSidee baan farxad u heli karnaa haddii aan ka hor nimaano Mulkiilaha farxada?
Sidee Barako ugu heli karnaa maalkeena & ubadkeena haddii aynaan adeecin Mulkiilihi Barakada awaamiirtiisi?
Sidee u Guuleysan karnaa haddii aynaan Masjidka aadin marki aan maqalno “U kaalaya Guusha”

Haddaba,
Haddii aad rabto Guul & Farxad Aduun & Aakhiraba – Tuko.
Haddii aad daalan tahay, xanuunsan tahay ama dhibaateysan tahay –Tuko.
Hadaa dhaqaale badan ama nolol fiican heysato – Tuko.
Haddii Jihada kaa qaldan tahay – Tuko.
Haddii shaki kugu jiro, rajadana kaa xun tahay – Tuko.
Haddii aad ku jirto duruuf qalafsan xalna aadan heyn – Tuko.
Wax kastoo aad sameyso, meel kastoo aad joogto, xaalad kastoo aad ku sugan tahay – Tuko.

Marnaba Salaada ha ka tagin meel kasta oo aad joogto

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Qaawanaan Qurux Maahan, Talo ku socota Dumarka

Quruxda dumarku ma aha dharka ay xirato, jismiga ay xambaarsan tahay, waxa ay dhabankeeda ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *