Ma Ogtahay In Muusku Ku Qurxinayo?!

Soomaalideenu muuska waan jeclnahay oo badana maqadayno aantiisa, laakiin gabadha Soomaaliyeed miyey ogtahay in muuska u yaala ay isku qurxin karto. Halayaabin sababta,waayo muusku wuxuu leeyahay faa’idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarkaaga, kana dhigaya naacim ” liinsho ” sidaasina waxay kugu
cawinaysaa inaad quruxdaada ilaashatid

Ma ogtahay in Ingiriiska shirkadahoodu ay ka sameeyaan muuska saabuun iyo shaamboo iyo kareemada timaha?

Hada waxaan kuu sheegayaa sideed u isticmaali kartaa iyadoo dabiici ah.

  • Waxaad jarjartaa muuska oo yar yaree, kadib wajiga saar in 20 daqiiqadood u dhow, sidaas ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinnada ku jira muuska
  • Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska,kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad dhaqdid timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waykuu dhalaali doonaan wayna jilci doonaan.
  • Si gacmahaagu naacim ” Jilayc “kuugu noqdaan, waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska dhaqdid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu naacim unoqdeen.

W/Q: Sucaad A. Maxamed

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *