Ma Jirto Shaqo La’aan Ee Waxaa Jiro Shaqaale La’aan

Halkan waxan ku falqeyn doonaa goobaha sida dag daga ah fursada shaqo loogu heli karo iyo wadiiqada shaqa abuurid aad ku bilaabi karto, ama ganacsi cusub aad ku aasaasi kartid, fakir kadib na bilow

Shirkadaha xawaaladaha : Waa mellaha sida aad ka ah shaqooyinka iyo shaqo abuurid loogu heli karo;

Tussaale: Hadii aad joogtid meel ay ka jirin xawaalad waxaad si dhaqso ah ku bilaabi kartaa inaad magca xawaalda aad rabto inaad bilowdo,adiga oo sharuudaha ay raban marayo

Sarifka: Lacagaha qalaad.waa shaqo fudud meelkasto iyo waqti kasta waad bilaabi kartaa.

Shirkadaha telefoonada: waxaad ka heli kartaa fursado balaaran oo shaqo ah .

Tusaale: waxaad ku darsan kartaa share, shaqo waad ka raadsan kartaa . mushaar ka qaadaneysid service kooda waa iiibin kartaa.

Tusaale: waxad iibin kartaa kaararkooda ku hadalka waxaad sarifle ka noqon kartaa evc plus emaal adiga oo wax lacag badan u baahan ayad bilaabi karta shaqadan.

Hoteelada: maal mahan waxaa ka socdo shaqo badan fursad shaqo waa ka heli kartaa

Tusaale waxaad samen kartaa lodge yar ee dadka safarda ama ganacsatada magalo kale ka imaden si eey habeenadaas u sii dagaan.

Beeraha: waa taqaanaa sida beerta loo fasho. waa ka mid noqon kartaa beera leyda. ama maal gashi ayaad ku sameesan kartaa wax badan ayad soo sari doontaa insha allah.

Xooolaha la dhaqdo: waa laf dhabarka dhaqaale waad dhoofin karta waa dhaqan kartaa ganaacsi xoolaha aad ayuu suuuq u leyahay.

Kulumeysi: bada sida wax looga soo saarto baro .fadhi lama rabo tijaabo samey ,waxaad si lacag la aan ah u bilaabi kartaa kalumeysi, adiga oo u bahanin hanti wey ama lacag badan.

Suuqyada: si xowli ah ayee u balranayaana suuqyada qaar sida suuqa bakaaro. suuqa xamar weyne. suuq bacaad, iwm.

Tusaale: inaad shaqo ka raadsato ama ka biloowdo qof ka hortaagan malahan adiga ayaa iska maqan

Ugu dambeentii aad iyo aad ayee u badan yihiin goobaha shaqoyinka laga heli karo waxaa kaloo kamid ah shirkadaha ,sidaa darteeda waa inaad adigu fadhiga marka hore ka kacdaa.

Somali horey waxey ugu maahmahday, ” qofkaan quutkiisa hanan karin qaraarkiisa ma hanan karo!”

W/Q: cabdi nasir maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *