Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?

Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: “Maxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Salaad Subax ugu kiciyo way ku adag tahay inay toosaan hurdadooda oo aad u culus darteed?

Sheekhi ayaa yiri: “Maxaad sameyn lahayd haddii guriga dab qabsado iyagoo hurda?”
Haweenaydi: “Waan kicin lahaa”

Sheekhi: “Laakiin haddii hurdadoodu culus tahay?”

Haweenaydi: “Walaahi waan toosin lahaa ama gacanta intaan qabto ayaan jiidi lahaa si aan u badbaadiyo!”
Sheekhi ayaa ka dib yiri, “Haddii tani ay tahay waxa aad sameyn lahayd si aad uga badbaadiso dabka dunida, ku dedaal oo samee sidi aad uga badbaadin lahayd naarta Aakhiro…!”

Alle SWT wuxuu Quraanka kariimka ku yiri, Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro

Alle SWT hanagu daro kuwa naarta laga xoreeyay. Allaha na wada hanuuniyo dhamaan.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *