Ma Jeceshahay Inaad Noqoto Qoraa? BARO NOOCYADA KALA DUWAN EE QORAALADA

qoraaladaMaanta waxaan si horudhac ah u dul maraynaa magacyada qaar kamid ah qoraalada aad aragtaan maalin kastaa , hadii ay ahaan lahaayeen kuwa ku daabacan joornaal, magazine, amaba baraha internetka. Si aad aragti guud uga hesho inta nooc ay qoraaladu u qeybsamaan baa marka hore waxaa loo qeybiyaa 2 qeybood. Nuucyada kala duwan ee qoraalada

Waa mid e, qoraal ku saleysan xaqiiqda, qoraalka ku saleysan runta ama xaqiiqda ayaa waxaa lagama maar maan ah in uu leeyahay daliil rasmi ah laguna kalsoonaan karo.Kuwaas waxey kala yihiin:Ogeysiisyada,War-bixin, Maqaal,Curis,Nuqul.

Nooca labaad, waa qoraal ku saleysan ra’yi qofeed- qoraaladaan ayaa waxuu qoruhu inta badan ku cabiraa ra’yigiisa ku aadan arrin uu soo qaatay ama uu ka hadlayo isaga oo adeegsanaya nuucyada kala duwan ee qoraalada aan ku saleysneyn xaqiiqda. Qoruhu wuxuu adeegsadaa qoraaldan mid ka mid; Faallo, maqaal dood, iyo kuwa fara badan.FG: xaqiiq aan ku saleysneyn micnaheedu ma aha qofku in uu been ka hadlayo, ee shuruucda qorista ayaa waxey sheegayaan tusale ahaan qofku marka uu ka faaloonayo wax, in aysan lagama maarmaan ahayn in uu keeno daliilsha ah meesha uu ka helay fakarkaas amaba dood kastaa uu u keeno cadeyn. Taa bedelkeed hadii uu qori laaa qofku Curis amaNuqul, ay qasab tahay ama lagama maar maan tahay in uu daliil u keeneo, tusaale ahaan; qoraalka uu soo nuqliyay cidda qortay, meesha lagu qoray, taarikhda la qoray iwm.

Aan mid-mid u sharaxa e. Ogeysiisyada- Maadaama ogeysiisku uu xanbaarsanyahay fariin loo tabinayo dadka ay quseyso ayaa waxaa shardi ah in qoraalkaas uu leeyahay sal iyo raad. Maxaa yeelay ogeysiiska oo xitaa loo yaqaan Xayeysiis ama iidheh ayaa ujeedkiisu yahay in lagu war geliyo bulshada sida; adeeg ama alaab ay u baahanyihiin oo ay shirkad keentay, ama ay u ballanqaadeyso in ay u sameys cidda ay quseyso. Tusaale, Bangi ayaa wuxuu macaamiishiisa ugu hanbalyeynayaa adeeg cusub o uu keenay, kaas oo bangiyada kale aysan hayn. Marka waa in uu qoraalkaas ka turjumaa fariinta dhabta ah ee uu xanbaarsanyahay Ogeysiiskaas.

Warbixanada- War-bixinadu waa qoraal ay adeegsadaan inta badan war-fidiyeenka, macaahidda cilmi baarista iyo cid kastaa ee wax qorta. Hadaba marka la diyaarinayo war bixinada ayaa ugu horeyn waxaa la qoraa mowduuca ama waxa uu ku saabsanyahay qoraalkaas, kadibna la raadiyaa il wareedyo ka war-bixinaya arinka uu ka hadlayo qoraalkaas si markaasi ay warbixintu u noqoto mid raad raac leh. Inta ay la egtahay dhirirka warbixinta waxey ku xerantahay dabcan cidda qortay iyo dadka loogu tala galay in ay aqristaan. Tusaale ahaan isu bar-bardhiga warbixin lagu qoray wargeys iyo mid ay soo saartay Qaramada Midoobay, halkaas waxaan ka fahmi karnaa farqiga u dhaxeeya labada wa-bixin inta dhiririkoodu la egyahay.

Maqaal-Waxaad aqrisaa wargeys ama joornaal maalinkastaa? Qoraalka noocaas ah waa mid caan ku ah war-fidiyeenada baahiya wararka maalin kasta. Xitaa kuwa todobaadkiiba mar soo baxa wey adeegsadaan walow aysan u badnayn. Hadaba waxa uu uga duwanyahay qoraalada  kale ee ku saleysan xaqiiqda wuxuu yahay in laguu ogolyahay ilaa iyo xad in aad soo dhex gasho qoraalka marka aad ka hadleysid arrin aad wax ka qoreysid, inkasta oo aan lagu fogaan inta jeer ee uu ra’yigaada ka dhex muuqan  karo qoraalkaas. Waxey inta kale isaga egyihiin qoraalka Warbixinta.

Curis- Waxaan u maleynaa qoraalka nuucaan ah in dad badani aysan garaneyn, hadii ay garanayaanse aysan ku aqoon afka Soomaaliga, maxaa yeelay waa mid inta badan ay arkaa dadka dugsiyada soo dhigta ee aqoonta sare leh, nasiib darrose aqoonta afka Soomaaliga ma aha mid heer sara ah marka loo bar-bardhigo afafka qalaad ee aan adeegsanno. Curisku waa qoraal in badan u eg warbixinnada marka loo eego sida ay muhim u tahay in aad daliil cad u keento eray kastaa ee aad soo guuriso iyo hadalkastaa ee aad soo xigato. Wuxuuse kaga yara duwanyahay in marka aad qoreyso curiska ay kuu banaantahay in aad dhex gasho oo aad ku darto fakarkaada ku aadan waxa aad ka hadleyso.

Nuqul– Waa qoraal laga soo min guuriyay qoraal hore uu qof kale u qoray ayada oo loo qoro sida uu u qornaa makii hore. Taas micnaheedu wuxuu yahay kuma dari kartid qoraalkaas wax, oo siduu u yaal baa loo dhigaa, iyada oo la sheegayo cidda qortay, goorta la qoray, iyo halka lagu qoray.

Faallo- Waa dood ku saleysan fakar ama aragti uu qof qabo ee ku aadan arrin markaasi laga hadlayo, isaga oo qoruhu ku muujiyo ra’yigiisa kaga aadan arrintaas ayada ah. Aan iraahno inaad daawatay ama aad maqashay hadal uu “Madaxweynaha” ka yiri “dastuurka cusub”, hadaba marka aad ka faalooneysid arintaas, waxaad si cad u sheegeysaa fakarka aad ka qabto hadalkaas ee uu madaxweynaha yiri.

Maqaal dood ah– Inta badan laguma arko qoraalkan nuucan ah war-fidyeenka Soomaaliga ku hadla, hasa ahaate waa mid caan ah oo dunida dhan laga adeegsado. Qoraalkan wuxuu qoruhu ku soo qaataa sheeko ama arrin markaasi ka dhex taagan bulshada uu la hadlayo, isaga oo doonayo in uu dood abuuro, taasi oo uu u keenayo daliil rasmi ah, hadana ra’yigiisa ku saleeynaya hadal-ksataa ee uu sheegayo.

Qoruhu waa in ogsoonaada doodkastaa ee uu qoro in ay jirto mid ka soo horjeeda ee uu kala kulmayo dadka aqrinsandoona qoraalkaas. Kaba soo qaad, waxaa la qoray maqaal dood ah oo uu hal-kudhigiisu yahay ” WAAN IN AAN JOOJINNAA LACAGTA LOO DIRO SOOMAALIYA”. Waxaa durbadiiba sida ka muuqata halkudhigga qoraalka, uu qoruhu ka soo horjeedaa in lacag loo diro Soomaaliya, hadaba doodda ka hor imaneysaa ayaa waxey tahay ” MA EHELLADEENA GAAJADA KU FIIRSANNA?”. Isaga oo eegayo dhamaan doodahaas ayuu qoruhu u keenaa daliil cad sababta uu fakarkaas u qabo. Isaga oona ka dhaadhiciya dadka in ay qaataan fakarkiisa.

W/Q: Dalmar Kusow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *