Ma Doonaysaa Inaad Noqotid Gabar Dhex Yar Oo Dhuuban?

Kulanti wanaagsan, waa qeyb cusub oo ka mid cusub barnaamijka Cooking With Hafza oo ku saabsan is caateynta.

Kadib codsiyo badan oo ku saabsan sida dhexda loo yareeyo ayay Hafza Hassan  dumarka Soomaaliyeed la wadaagaysaa qaab sahlan oo dabiici ah oo la isku dhuubi karo.

Alaabta maanta ay Hafza diyaarinayso ayaa ka kooban, salbuuko, parsley, radishes, basal caleen, yaanyo, liin dhanaan, saliid saytuun, cusbo iyo filfil shiidan
digirta salbuuko

Digirta cagaaran ee loo yaqaan salbuukada waxay ka mid ah waxyaabaha dabiiciga ee loo adeesado miisaan dhimista waxayna leedahay faaidooyin badan oo caafimaad.

Digirtaan waxay qani ku tahay macdanta potassium, magnesium, folate, copper, zinc iyo  fiitamiinnada  B. Sidoo kale digirtaan waxaa ku badan borotiin, manganese iyo fiber.

Nafaqooyinka digirtaan  ku jira awgeed waxaa loo arkaa inay la dagaalanto cudurrada ay ka midka yihiin wadne xanuunka, kansarka, cudurka macaanka iyo cayilka.

caleenta parsleyFaaidooyinka Parseley

  • Caleenta loo yaqaan baqduuniska ama parsley waxay hodan ku tahay fiitamino muhiim ah sida fiitamiin C,  B 12, K iyo A, tan  macnaheedu waxa ay tahay in caleentaan ay xoojiso hab-dhiska difaaca jirka, lafaha iyo inay daawayso neerfayaasha,
  • Waxay nadiifiisaa kelyaha
  • Caleenta Parsley oo si joogta ah loo isticmaalo waxay yareysaa dhiig karka.
  • Waxay u wanaagsantahay dhiifshiidka
  • Parsley waxay ka hortagtaa kansarka

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

Check Also

maraq, suugo, cooking with hafza

MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *