6 Arimood Oo Aad Ku Dhimi Kartid Kadeedka (stress)

In badan ayaa waxa aynu maqalnaa qof lagu dhahayo maxaa ku kadeeday ama qof odhanaya waxa aan dareemayaa culays badan oo arintan iga saaran. Kadeedkan ayaan ahayn mid haba yaraatee u roonayn caafimaadka qofka.

Hadaba si aad u ilaashato caafimaadkaaga isku day in aad dhinto kadeedka, degdega ama culayska ku saaran. Waana kuwan 6-da qodob e ee aad kula dadaali kartid nafta:

1 – Ha ku dhibin naftaada iyo dadka kale in ay noqdaan kuwo dhamaystiran: Bani’aadanka ayaa qaladkiisu badan yahay markaa ma jiro qof markasta sax ah oo dhamaystiran. Adiga oo taa ogna ha ka filan in dadka ama qofka aad la kulantaa noqdo mid dhamasytiran.

2 – U kala horumari arimahaaga sida ay u kala muhiimsan yihiin: Waa in aad liis u samaysataa arimahaaga ama ka dhigataa caado in aad qorshaysid sidii aad ukala horumarin lahayd arimahaaga midiba mida ay ka muhiimsan tahay. Tusaale ahaan shaqada, kulanada iyo howlaha kala duwan ee aad qabsato waa in aad eegtaa mida u baahan in hada wax laga qabto. Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa, “Ooda dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala hor guraa”

3 – Tababar jidh dhisid ah: Waa in aad samaysaa tababar joogto ah oo aad maalin kasta hal mar samaynayso. Tababarkaas oo kala noqon kara adiga oo caadaysta in aad maalintii 1 saac si ded deg ah u lugeeya ama u gucleeaya, baaskiil wada, dabaasha ama sameeya nooc kale oo ka mid ah cayaaraha.

4 – Ku raaxayso deegaanka: Waa in aad nafta ugu raaxaysid in aad geeyso meelaha dhirta, biyaha, buuraha iyo dabeecadaha quruxda badan leh. Kuwaas oo quruxdoodu nafta u raaxaynayaan. Soomaaliduna waa ta inta badan heesahooda ku tilmaama deegaanka quruxdiisa, shimbiraha, fardaha, daruuraha, qorax soo baxa iyo qorox dhaca.daryeelmagazine.com ayaa ku leh tusaale ahaan, heesta Ceelbuur ee uu qaado Salaad Darbi ee uu ku amaanayo gabadha ayaa waxa ka mid ah midhaha uu ka hadlayo deegaanka iyo qurxdeeda asaga oo leh, “Casarkii cadceedoo godka cidhifka galisoo ka sokeeyo caadoo falaadh wada casaan ah ku cadays …….”.

5 – Qorshayso waqti kuu khaas ah oo joogta ah oo degan: Waa in aad samaysataa waqti aad waxba qabanayn oo aad ka helayso degenaansho.

6 – Waa in aad hurdo iyo nasasho buuxda heshaa: Jirkeena iyo maskaxda ayaa waxa ay u baahan yihiin hurdo iyo nasasho ku filan si ay u awoodaan shaqada, fikirka iyo culasyka kale ee inala soo gudboonaada.

Asha Ahmed Yonis

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *