Lamaanaha Guulaysta

Waa daraasad magaceegu yahay Lamaanaha Guulaysta oo lagu soo ururiyey siyaabaha lamaanaha is qabaa dhidibada ugu taagi karaan qoyska cusub ee ay yagleeleen iyo sidii ay isaga ilaalin lahaayeen turun turooyinka ka horyimaad jacaylka iyo qormada cusub ee reerku dagay.

”Guurka iyo Nolosha”

Nolosha iyo guurku waa kuwa isku xidhan oo is dhamaystira, guur la’aan ama gabadh la’aani waxay la mid tahay guri aan laambad lahayn, ama ceel aan lahayn wadaantii loogu talagalay in biyaha lagu soo saaro.
Runtii guurku waa wax ama arrin aad u dhib adag, guur la’aantuna ma macaana. Jaamacada dhabta ahi waa guurka oo qofka la baro waxyaabihii aanu hore u ogayn, sidaas oo kale siyaasiga ugu wayn waxa lagu tilmaamaa ka gabadhiisa hogaamin kara.

Guur la’aani macquul ma aha, iska guursana caqli gal ma aha, Inkastoo odayaashii hore ee soomaalidu odhan jireen nin rag ahi waxa uu ku tala-xumaado guurka ayaa u wanaagsan, hadana dhinaca kale guurku waa masuuliyad iyo mustaqbal. Haddaba masuuliyada iyo mustaqbalka qofka laga doonayaa maxay noqon? Qof waliba waxa uu leeyahay dookh u gaar ah iyo waxyaabo aanuu dadka kale la wadaagin.

Haweenka mar waxa lagu tilmaamaa khudrad kala duwan oo aan la garan karin, ta wanaagsan iyo mida xun iyo ta xumaan la iman doonta. Dadka sidan aaminsani waxay rumaysan yihiin oo kaliya nasiibka iyo calafka in uu wax wanaajin karo, qaar kale ayaa aaminsan in uu guurka wanaagsani ka yimaado xulashada wanaagsan.

”Sidee qofku u xulan karaa gabadh wanaagsan?

Dabciga iyo dabeecada qarsoon ee gabadh kastaa leedahay ee marka lala aqal galo ay lasoo baxdo, iyada taasi ha inoo danbayso.

Waxa hubaal ah lamaane kastaa iyagoon is arag oon dhinac kasta raali iskaga noqon, shaki kuma jiro lamaanaha in is faham daradoodu ay aad u sii faro-badato.

Runtii reer ma lagu dhisi karaa ha ku dhega khaldan ee odhanaya (haween been baa lagu soo xero galiyaa runa waa lagula dhaqmaa), hal ku dhegen reer iska daaye wax ka yar ayaan lagu dhisi karin, waayo wuxuu la mid noqonayaa guri seeskii uu ku taagnaa aan la hagaajin, natiijaduna waxay noqotaa in gurigaa burburkiisu soo deg-dego.
Caqli galna ma aha damiirka wanaagsani in uu kula dhaqmo khiyaamo iyo kalsooni darro qofkii la qaybsan lahaa halganka nolosha iyo guud ahaan noloshiisa, tii sirtiisa qarin lahayd carruurtiisana hooyo u noqon lahayd, taariikhdiisana la qaybsan lahayd suurtogal ma aha in been lagula dhaqmo, waana doqoniimo tii ugu waynayd.

Ragga qaar haweenka quruxda jidhka oo kaliya ayay ku qiimeeyaan, qaar waxay ku qiimeeyaan qurux kale, taasi oo sida ay u qabaan ah edaabta iyo dhaqanka wanaagsan, halku-dheg ayaa ahaa ”Qurux aan edaab la socon waa ubax aan udgoon lahayn”, qaarna waxay xooga saaraan dhinaca aqoonta iyagoo aaminsan haddii ganadha ay guursanayaan jaahilad noqoto, carruurtu inay jaahilnimo jaqayaan, isla markaana ay dhinac kasta oo ka mid ah nolosha qaybteeda ay ku guul darraysanayso.

Qaar kale ayaa iyaguna aaminsan in la guursado oo kaliya gabadh ku jecel, waxay yidhaahdeen haweenku waxay la mid yihiin shinida oo marka ay ku jecel yihiin malab malab ayaad ka muudsan doontaa, haddiise ay ku neceb tahay miciyo ayaa ka soo horeeya.

Kuwa kale ayaa rumaysan in haweenku la mid yihiin bakhtiyaa nasiibka, ha ku jeclaato ama yey ku jeclaan ee waa Illaahay oo soo sakhira, waxaanay la mid tahay toddobada layaabka in ay kuu hagaagaan oo ay ku haggaajiyaan.

Sidee lagu helaa gabadh wanaagsan?

Aabihii cilmi nafsiga cusub iyo baragmatisamka William James, mid ka mid ah ardaydiisa ayaa yidhi: ”ma yara wax yaabaha aan aadka uga faa’iiday macalinkayga William James, laakiin waxa aan aad u jeclaystay markii uu yidhi; qof kastaa markuu gaadho 18 jir waa in uu gacanta ku hayaa oo ay diyaarsan yihiin shaqadiisa noloshu waxay noqon lahayd iyo gabadhii la qaybsan lahayd halganka nolosha lammaanaha.”

Runtii ma aha wax fudud, waxaana lagu gaadhi karaa kaliya diyaar garow, dedaal, dabagal iyo runta oo wado la qaato laga dhigto.

Gabadh fiican oo qofka u horseeda in uu ku guulaysto nolosha siyaabo kala duwan ayaa loo arkaa. Dadka qaar ayaa waxay aaminsan yihiin in aan gabadha la guursan balse soddohda la guursado, iyaga oo uga jeeda aad inay ugu wanaagsan tahay qofka doonaya in uu guursado, in uu marka hore sii ogaado cidii sodoh u noqon lahayd, dabadeed sii wanaajiya xidhiidhkiisa iyo waliba sodohdii.

Qoladani waxay aaminsan yihiin in guur kasta oo ay sabab wayn u noqoto sodohdu uu guulaysto oo uu waarro iyo in uu burburo labadaba, iyaga oo aaminsan in sodohda wanaagsani ay aad ugu dedaasho sidii ay ninka inanteeda qaba u dhisi lahayd, iyadoo markasta aan ka fekerin dhinaca gabadha wiilkeedu qabo.

Qaar kale ayaa iyaguna rumaysan qofka doonaya in uu gabadh wanaagsan helo uu arrintaa ku gaadhi karo oo kaliya isaga oo guursada gabadh jecel. Waxay aaminsan yihiin in gabadha ku jecel ay tahay shini taasoo malab kuu samaysa, marka kalena ay miciyaheedu kugu soo horeeyaan.

Qaar kale ayaa rumaysan guurka wanaagsan iyo nolosha lammaanaha ee hogaansan in la heli karo oo qudha marka uu jacaylku dheelitirmo iyo iskaashiga oo la wada qaybsado

MM. Kastan AHUN

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *