La Bixida Gadhka

gadhka, garka,Gadhka buuxa ayaa la aaminsan yahay inuu qurux iyo sharaf usoo jiido ragga iyadoo ay jirto suaal ay isweydiinayaan in badan oo ka mid ah dhalinyarada gashay da;da qaan gaarka kuwaas oo gadhkoodu si buuxa aanu ugu soo bixin lagana yaabo inay ka niyad xumadaan arrinkaa marka ay dhalinyarada la jiilka ah la joogaan, waxaanay in badan ka fikiraan sidii ay gadhkooda u kobcin lahaayeen.

Waxaa jira labo arrimood oo saamayn ku leh timaha wajiga kasoo baxa ee uu gadhku ka mid yahay, labadaa oo kala ah:

  • Hormoonada Testosterone ee ku jira jidhka labka iyo dhedigaba laakin xaddi badan oo ka mid ah u gaar yahay jinsiga labka waana hormoonada masuulka ah in badan oo ka mid ah qaab dhismeedka ragga sida muruqyada waa weyn, gurxinta cunaha ee weyneysa codka ragga, iyadoo maadada Testosterone ka ay qeyb weyn ka qaataan koritaanka timaha wajiga sida gadhka oo kale, Testosterone-ka ku jira qofkana kuma xidhna xaddiga uu hadba gadhkiisu yeelanayo, iyadoo daraasadihii laga sameeyay ragg ay darajadadoodu kala duwan tahay ay muujisay in xitaa ragga gadhkoodu yaryaryahay laga heli karo jidhkooda Testosterone la mid ah ta ku jirta ragga gadhkoodu weyn yahay.
  • Arrinta labaad ee saameynta ku leh soo bixitaanka iyo kobcinta timaha wajiga ee uu gadhku ka mid yahay waa qaabka looga shaqeeyo iyadoo haba yaraatee xiiritaanka gadhku aanu kordhin karin so bixitaanka iyo balaarintiisa, laakiin ay culimada arrimahaas daraasadeeya ku taliyeen wax ay diinteenna suubani ina fartay oo ah in gadhka la gaabiyo laakiin aan la xiirin, iyadoo marka la gaabiyo ay go’ayso qeybtii hore ee dhuubnayd oo ay isu harayaan guntii hoose ee dhumucda lahayd, markasta oo markaas kadib soo dheeraadana gadhku uu dhumucdiisu sii baraaranayso.

Diyaarintii: Xuseen Aadan Yuusuf (Hussein Kurdi)

Check Also

khatarta dawooyinka waxyeello

Khatarta Dawooyinka iyo Waxyeelladooda

Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *