Ku Darso Intaad Ka Ogtahay Qaarada Afrika

1. Ma ogthay in wadanka Gambia uu leeyahay hal Jaamacad.

2. Ma ogtahay in Jaamacada Muqdisho ay tahay Jaamacads 55-aad ee ugu fiican Jaamacadaha Qaarada Afrika ee dhinaca website-ka sanado ka hor. (Booqo http://www.webometrics.info/en/Africa) oo qiimeyn ku sameeya website-yada jaamacadaha.

3. Ma ogtahay in Equatorial Guinea uu yahay waddanka kaliya ee Afrikaanka ee looga hadlo luuqada Spanish-ka.

4. Ma ogtahay in South Africa uu yahay waddanka loogu booqashada badan dalalka Qaarada Afrika.

5. Ma ogtahay in wadanka Nigeria uu yahay wadanka ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka madow ee maalqabeenada ah.

6. Ma ogtahay in wadanka Nigeria uu ku guuleystey koobab kubada cagta in ka badan dalka Ingiriirska.

7. Ma ogtahay in madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe uu yahay madaxweynaha ugu waxbarashada badan madaxweynayaasha aduunka, Mr Mugambe wuxuu haystaa 7 shahaado oo laba ka mid yihiin Masters Degree

8: Ma ogtahay in kooxda Al-Ahli ee dalka Masar ay tahay kooxda ugu taajirsan kooxaha Afrika.

9. Ma ogtahay in Zinedine Zidane uu doonayey in uu u ciyaaro Qaranka wadanka Al-Jeeriya, balse tababarihii xiligaasi uu diiday isagoo u sheegay in ciyaartooy la mid ah ay ka buuxaan kooxda.

10. Ma ogtahay in Madaxweynaha Koonfur Afrika uu hadda ka hor ka noqdey garsoore ciyaar xabsi ku yaal wadankiisa maxaabiista ciyaar loo qabtey.

11. Ma ogtahay in Madaxweynaha Zimbabwe uu xabsi ugu jiray 11 sano xornimo u dagaalan, mase ogtahay in Mugambe uu yahay madaxweynaha ugu da’ada weyn madaxda aduunka wuxuu dhashay 1924-kii, da’diisu waa 90 sano.

12.Ma ogtahay in dad Jasiirada Seychells ay yihiin dadka ugu waxbarashada fiican Afrika wadankaasi dadkiisu 92% ayaa waxna qora waxna akhriya.

13.Ma ogtahay in wadanka Rwanda uu ka dhawrisan badan yahay xuquuqda haweenka wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.

14.Ma ogtahay in Soomaaliya laga hirgaliyey mashinka lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM markii ugu horeysay 2014.

15.Ma ogtahay in dalka Itoobiya uu yahay dalka ugu garoomo diyaaradeed badan dalalka Afrika.

16.Ma ogtahay in wadanka Angola ay ku nool yihiin dadka ku hadla luuqada Burtaqiiska in ka badan wadanka Portugal.

17.Ma ogtahay in wadanka Nigeria uu yahay wadanka ugu boqortooyo badan aduunka.

18.Ma ogtahay in madaxweynaha wadanka Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo uu yahay hogaamiyaha ugu xukunka dheer Afrika wuxuu awooda wadankaasi ku qabsaday afgambi military 3-dii August 1979-kii, isagoo xukunka ka tuuray adeerkiis Francisco Nguema, mise ogtahay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Nguema Obiang Mangue uu u yahay madaxweyne kuxigeenka isla markaana marka uu xukunka ka dego uu Aabihiis badali doono.

19: Ma ogtahay in wadanka Soomaaliya uu yahay dalkii ugu horeeyey ee Afrika ka tirsan ee diyaarad dagaal lagu weeraro, Guumaysitihii Ingiriiska ayaa xooggagii Daraawiish ku duqeeyey diyaarado qalcadihii ay deganaayeen.

W.Q. Mowliid Xaaji Cabdi

Xigasho: Radio Iftin

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *