KU: Dadka Cabashada Badan

Wuxuu igu yiri noloshan waan nacay waxba kuma heysto, jaceyl ma heysto, cabsidaa igu badan, xanaaqa sanka ayuu iga saaran yahay, dhibaato weyn ayaa i heysata wuxuuna ii muujiyay in uu ka doorbidi lahaa in uuba iska dhinto.

Markaa ayaan ku iri walaal aduunyadan waa wax gaaban ee isaga noolow. jaceylka waa wax yar ee soo jiido, xanaaqa waa samir darro ee iska tuur, cabsida waa wax xun ee wajah, xusuusta wanaagsani wey ku anfaceysaa ee qaddari.

Ha dhihin dhibaato weyn ayaa i heysata ee waxad dhahda dhibaatooy alle weyn ayaan leeyahay ee iga kaa saaaraya.

Waxaanse ku gabagabeeyay Xigmaddan oo ah: Biyo wax ka jilicsan ma jiraan, haddana awooddooda waxey jebin karaan dhagaxa dhagax ugu adag.

Siciid Xagaa.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *