Korniinka Dabiiciga Ee Ilmaha, Miisaanka Ugu Haboon Iyo Nafaqayntiisa

Hooyo kastaa waxa ay u heellan tahay in ilmaheedu uu gaadho heerka dabiiciga ah, caafimaad ahaanna ku habboon korniinka carruurta, sida miisaanka saxda iyo in dhererkiisu noqdo mid si sax ah u socda, sidoo kale waxa ay waxa a jeceshay in ilmaheedu uu carruurta kale ka maskax iyo firfircooni badnaado, kagana fiicnaado waxbarashada, laakiin haddana inta badan waxa ay mooggan tahay qiyaasta saxda ah ee ay tahay in ilmaha caafimaadka qabaa ku socdo miisaan ahaan iyo dherer ahaan labadaba. Qormadan aynu ka soo ururiney barnaamij ka baxay talefishanka MBC iyo qormooyin kale oo caafimaad, waxa ay ka hadlaysaa heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha.

Miisaanka saxda ku ah xilliga dhalmada:

Miisaanka ilmuhu marka uu dhasho noqonayaa waxa ay si aad ah ug uxidhan tahay nooca iyo xaddiga cunto ee ay hooyadu isticmaalaysay xilligii ay uurka lahayd, gaar ahaan saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, sidoo kale waxaa saamayn ku leh hiddaha, oo sida ay xeeldheerayaashu sheegayaan dhererka iyo miisaankuba waxa ay ka mid yihiin wax yaabaha la iska hidda-raaco.

Haddii hooyada miisaankeedu aad u badan yahay, ama ay qabto macaan, ama xitaa macaanka uurka ay leedahay waxa ay u dhowdahay in ilmaha miisaankiisu uu waxoogaa ka weynaado inta dabiiciga ah, haddii ilmuhu uu dhasho isaga oo aan sidkiisa buuxsanin, sida in uu noqdo toddoba ku dhalay ama siddeed bilood uu ku dhasho, ama haddii aynu si kale u nidhaahno in uurku ka yaraado 37 toddobaad ayaa ka mid ah sababaha ilmaha ku keena in uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka hooseeyo.

Sidoo kale haddii ilmuhu uu ku raago uurka hooyada nooc uun caabuq ahi hooyada ku dheeraado xilliga uurka, ama marka ay carruurtu mataanaha yihiinna waxaa dhici karta in ilmuhu uu inta dabiiciga ah ka yaraado.

 

Heerar dhererka iyo miiisaanka dabiici ahaan saxda ku ah caafimaadka ilmaha.

Hooyada ama ruuxa ka masuulka ah daryeelka ilmaha iyo guud ahaan labada waalidba waxaa la gudboon in ay waqti cayiman u gooyaan miisaamidda ilmaha oo joogto ah si ay u hubiyaan in koritaankiisu dabiici yahay, tusaale ahaan waxa ay ka dhigan karaan in labada bilood ee ugu horreeya cimriga ilmaha, labadii toddobaadba mar la miisaamo oo la qoro si loola socda inta ku kordhaysa, kadibna laga dhigo bil asta in mar miisaanka la saaro. Ilmuhu caadi ahaan marka uu dhasho miisaankiisu waa 2.5 illaa 4 Kiiloogiraam, marka uu dhasho kadibna waxaa durbadiiba bilaabanaya korniinkiisa, haddi aynu eegno ilmaha si fiican loo daryeelo ee naaska jaqa qiyaasta korniinkiisu celcelis ahaan waxa ay noqonaysaa:

– Saddexda bilood ee hore: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 196 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 148 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Ilmaha waxaa toddobaad kasta u kordha miisaan celcelis ahaan noqda 113 Giraam.

– Saddexda bilood ee xiga: Oo uu ilmuhu gu’ jir noqonayo waxaa toddobaad kasta u krodha miisaan ah 71 Giraam.

– Sannadka labaad: Ilmaha miisaankiisa waxaa toddobaad kasta celcelis ahaan ku kordha miisaan ah 42 Giraam.

Laakiin waxaa jira sababo kale oo aan ahayn uun naaska jaqiddiisa iyo nafaqaynta ilmaha, kuwaas oo ka qayb qaata koritaanka miisaanka ilmaha, waxaa ka mid ah hidde-raacista miisaanka labada waalid ama midkood, gaar ahaan hooyada ayaa ay u badan tahay, waa se’ haddii ay naaska jaqsiinayso.

Marka aynu dhererka eegnaha waxaa dabiici ah in ilmuhu dabayaaqada sannadka labaad ee da’diisa uu dhererkiisu noqdo illaa 80 Sentimitir.

Dhinaca kalana waxa ay khuabradu sheegeen in ay jiraan halbeegyo badan oo ka muhiimsan in ilmaha miisaankiisa uun la eego, kuwaas oo ay ka mid tahay in lala socdo xaaladdiisa guud, firfircoonidiisa, hab-dhiska difaaciisa iyo adkaysiga uu u leeyahay xanuunnada fudud, iyo wixii la mid ah, laakiin haddana ay weli muhiim tahay joogtaynta qiyaasidda koritaanka dhererka ilmaha.

 

Waxaa muhiim ah in ilmaha marka cuntada loo bilaabo oo ah lix bilood marka uu jiro ee uu si fiican naaska u jaqay ama haddii laga fursan waayey uu caano tayo leh soo qaatay, in waalidku si fiican u xakameeyo una hubiyo cuntada iyo nafaqaynta uu ilmihiisa siinayo. Inta badan waxaa dhacda in bilowga cunto ee ilmaha uu waalidka ama ehelka kale ay ilmaha ku ababiyaan caadooyin cunto oo xun oo ilmaha lagu bilaabo mararka qaarkoodna uu qabatimo marka uu weynaado. Waxaa ka mid ah in ilmaha la baro mac-macaanka, (Xalwadda iwm), Jibiska, sharaabbada soodhaha leh, cuntooyinka dhaqsaha ah, baradhada la shiilay iwm. Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in ilmaha cuntooyinkaas dhammaantood laga dheereeyo maadaama oo ay khatar ku yihiin caafimaadka calooshiisa, ilkihiisa iyo caafimaadkiisa guud oo dhan, taas beddelkeedana ilmaha la baro cunista khudradaha kala duwan oo aad ugu fiican caafimaadka.

Halbeegyo guud:

Sannadka koowaad carruurtu Dheddig iyo Lab uguma kala duwan dhererka iyo miisaankaba, waxa aanay ku xidhan tahay uun inta badan dhinaca hiddaha labada waalid. Si kastaba ha ahaato ee marka si guud loo qiyaasayo, ilmaha gu’ jirka ah dhererka laga filanayaa waa in uu noqdo 60 Sentimitir, miisaankiisuna uu noqdo 8 Kiiloogiraam, dhammaadka sannadka labaad ee da’diisana waxaa laga filayaa in uu noqdo 86 Sentimitir, oo dhererka ah iyo 12 Kiloogiraam oo culayskiisa ah, mar kastana niyadda ku hay in tiradani in yar siyaasi karto ama intan ka yaraan karto.

Halbeegyada koritaanka wiilka marka uu dhasho illaa inta uu sannadka koowaad buuxsanayo

daryeelka ilmaha korniinka

 

Halbeegyada koritaanka Inanta marka ay dhalato illaa inta ay sannadka koowaad buuxsanayo

daryeelka ilmaha nafaqadooda

Xigasho: Googooska Geeska

Check Also

dhareerka caruurta

Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta? Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *