Kordhinta Caanaha Hooyada Ilmaha Nuujisa

Hooyooyinka ilmaha nuujiya gaar ahaan kuwa ugubka ah inta badan waxay ka welwelaan in caanaha naasahooda ay ku filan yihiin ilmaha iyo inkale. Hooyooyinka badankood waxay soo saaraan caano ku filan ilmahooda.

Allah (SW) wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay. Way dhici kartaa hooyooyinka qaar inay awoodi waayaan inay soo saaraan caano ku filan ilmahooda.

Sababaha keeni kara caano yarida naasaha waxaa ka mid ah:

  • Hooyada oo qaadata kiniinka uurka looga hortago.
  • Isbadallo hormoonnada jirka ah.
  • Nafaqo yaraan

Hadii caanaha naaska ay yaryihiin ilmaha waxay u horseedi kartaa nafaqo darro, difaaca jirkiisa oo daciifa, xusuus xumo iyo dhibaatooyin caafimaad oo kale.

Akhriso:
Cuntooyin aan u wanaagsanayn hooyada ilmaha nuujisa

Waxyaabaha dabiiciga ah ee la rumaysan yahay inay kordhiyaan caanaha hooyada ilmaha nuujisa waxaa ka mid ah:

  • Xulbad (Fenugreek)
  • Fennel seeds
  • Xawaash dhuudhuub (Cumin Seeds)
  • Qorfe (cinnamon)
  • Toon (garlic)
  • Mushaali (Oatmeal)

Daawo Ubahiina Musa oo sharaxaysa:

Sida loo diyaariyo mushaalida:

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *