Kooxda Xidigaha Geeska Oo Markii Ugu Horaysay Yimid Magaalada Muqdisho

Fanaaninta Xidigaha Geeska ee ka dhisan magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland ayaa gaadhay magaalada Muqdisho oo ay halkaasi u doonteen passaborka Somalia si ay ugu dhoofaan wadanka Autralia oo laga casuumay weeki lasoo dhaafay.

Fanaaniinta oo isugu jira Maxamec BK, Bakaal Cirro, Yurub Geenyo, Nimcaan Hilaac, sidoo kale waxa sii raacay faaaniinta kala ah Cabdi Hani iyo Cabdiraxman Oday oo iyaguna ka tirsan fanaaninta Geeska.

Shan fanaan oo ka tirsan Xidigaha Geeska ayaa dhawaan u amba bixi doona dalka Australia halkaasi oo ay ku qaban doonan barnaamijy faneed iyo heeso oo isugu jira kuwa bandhig faneed ah iyo tartan faneed lagu qaban doona wadankaasi Australia.

Fanaanintan ayaan haatan la ogayn mudada ay wadankaasi joogi doonan balse muddo ku dhaw ay bil ku sugnaan doonan oo hawlo faneedka ay halkaasi u tagen kusoo gaba gaboobi doonan.

 Wixii war ah ee kuso kordha halkan ayaanu idinku soo gudbin dona. daryeelmagazine.com | qurbo magazine

 

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *