Kooxda Waayaha Cusub Oo Iska Dhiibtay Holland

waayaha cusub
Sida ay xog gaar ah ku heshay daryeelmagazine.com Kooxda fanaaniinta Waayaha Cusub ee wadanka Kenya ku sugnaa mudada dheer ayaa gebi ahaantood iska dhiibtey dalka Holland qaab magangeliyo doon ah. Waayaha Cusub gudoomiyahoodii Shiine Akhyaar ayaa horey u joogey wadanka Ingiriiska isagoo sharci suge ku ah, waxaana haatan saaxiibadiis inta ka hartey ay doorbideen in ay isku dhiibaan Netherlands.

Dadka isdhiibey waxaa ka mid ah fanaaniin iyo dhallinyaro dalkaasi u tegay in ay bandhig faneedyo ka soo sameeyaan taasi oo safaaradda Holland ay aqbashay, badankooed Waayaha Cusub ayaa sameysa heeso ay dhaleeceeyn jirtey kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab, waxaana dhalinyarada waayaha cusub ee is dhiibtey ka mid ah, Falis Cabdi, Digriyoow, Lixle,

Shiine Akhyaar ayaa kal hore ku guuleeystay in uu maalgelin ku filan u helo qorshihii iyo mabdi’ii ay Waayaha Cusub wadatey bilogii kooxda hase yeeshee lacago siyaabo kala duwan caalamka looga soo arruuriyey awgood fanaaniin badan ayaa ka biyo diiday inay kooxda la sii joogaan tani oo Shiine Akhyaar ka dhigtay nin keligiis tashaday. Shiine waxa uu galay Ingiriiska halkaasi oo sida la sheegay uu suganayo baasaboorka dalkaasi.

Dad badan ayaa ku tilmaama Shiine Akhyaar in uu hareer maray ujeedadkii ururku higsanayey isagoo kala soocay dhallintii oo qaarkod waqtigan ku sugan yihiin magaalada Nairobi oo fadhi u aheyd kooxda. Waayaha Cusub ayaa lagu tuhmaa in lacagaha badan ee ay heshay ay bixiyeen bulshada Illuminati Group ee fadhigoodu yahay Mareykanka.

Sida ay daryeelmagazine.com xogta ku heshay Waayaha Cusub ayaa maanta (isniin) waxa ay bandhig cajiib ahaa uga qeyb qaateen magaalada Amsterdam ee caasimadda Holland, ayadoo markii ay munaasibaddu soo gaba gabowday lagu wargeliyay in ay iska xaadiriyaan goob uu kooxda ku sugayay Bus loogu talagay in uu qaado kuna celiyo Hoteelkii ay deganaayeen, waxa ayse fanaaniintu si cad ciidankii amaanka ee goobta u sheegeen in ay magangalyo doon yihiin, ayadoo lagu wargeliyay in loo ambabixinayo goobta lagu qaabilo qaxootiga cusub ee soo galootiga ah.

Lama oga sida dowlada Holland ka yeeli doonto codsiga magangalyo ee kooxda Waayaha Cusub maadaama ay ka yimaadeen wadan nabad ah (Kenya) oo ay muddo dheer dhibaato la’aan kula noolaayeen, waxaase laga yaabaa in loo qadariyo xurgufta kooxda kala dhaxeysay Al-Shabaab iyo qalalaasaha dhawaan ka dhacey dalka Kenya.

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *