K’naan Oo Laga Dulqaaday Gacalisadiisii Lupita Nyong’o (SAWIRRO)

Fanaanka caanka ah ee heerka caalami asalkiisuna Soomaaliga yahay  ee K’naan Abdi Warsame ayey warbaahinada qaar ku waramayaan in dhamaadkii sanadkii 2014-kii ay kala hareen isaga iyo  gabadhii uu  xiriirka jaceyl la wadaagayey ee u dhalatay dalka Kenya ee Lupita Nyong’o.

Gabadhaan ayaa sanadkii 2014 xilli ay xaflad kasoo qeyb gashey lana gudoonsiiyay abaal marinta xidigta sanadka waxaa garabkeeda lagu arkay K’naan, iyadoo la ogaaday in uu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo labadooda.

Sanadkaan cusub ee 2015 ayaase la arkey Lupita Nyong’o oo kasoo qeyb gashey xafladda SAG Awards ee uu qabto MTV isla markaana garabka heysata nin aan K’naan ahayn oo isna ah xidig caan ah oo lagu magacaabo Jared Leto, kaasoo u muuqda in uu K’naan ka dulqaadey jaceylkiisii.

Aktaradda Lupita Nyong’o ayey saxaafaddu ku mashquushay, waxaana isla mowduucan su’aal laga weydiiyay ay uga jawaabtey in K’naan ay kala hareen sanadkii hore xilli ka mid ahaa, waxeyse ka gaabsatey in ay Jared Leto xiriir cusub kala dhaxeeyo.
2014 MTV Movie Awards - Backstage And Audience

sag2

sag3

sag4

sag5

gacalisadii k'naan

Check Also

xikmad badan

QISO DHAB AH: Oday Xikmad Badan

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *